Garowe (Puntland Post):- Waxaa maanta lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Garowe shir laba maalmood u socday madaxda Rugaha Ganacsiga Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Somaaliya,Waxaana kazoo galay shirkan Xubno ka socda Dowlada Federalka Soomaaliya,Madaxda rugaha ganacsiga maamulada kala ah Puntland,Galmudug,Jubaland iyo Koonfur Galbeed.
Kulankaan oo ahaa mid ay marti galiyeen World Bank,IFC,USIAD iyo Mashruuca Geel ayaa loogu mahadceliyay Dowlada Federalka Soomaaliya,Maamul goboleedyada dalka gaar ahaan Puntland oo marti galisay kulankan.
Gaba-gabadii shirkan ayaa laga soo saaray war murtiyeed lagu taageerayo qodobadii kazoo baxay, waxaana lagu doortay xubno xoghaymo ah oo maamul Goboleedyada u matali doona barnaamijka la yiraahdo PPD-ga , kuwaas oo loo doortay dadka kala ah:-
- Maxamed Cabdulaahi Cabdi Rugta Galmudug
- Maxamed Maxamuud Cusmaan Rugta Puntland
- Maxamed Shariif Xaaji Maxamed Rugta Jubaland
- Bube Cabdulle Bube Rugta Koonfur Galbeed
- Haashim Ducaale Rugta Ganacsiga Soomaaliyed.
Si gaara waxaa loogu soo jeediyay ujedooyinka mashruuca PPD ,Laguna xusay qodobada kasoo baxay shirkan in Rugaha Gacansigu noqdaan marinka laga soo galayo ganacsiga gaarka ah qaybihiisa kala duwan sida samaynta Ururada Ganacsiga iyo Wixii la mid ah.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Shir maanta ugu soo xirmay Garowe rugaha ganacsiga Soomaaliya appeared first on Puntland Post.