Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22743

“Deg Deg “Dagaal kasoo cusboonaaday magaalada Gaalkacyo

$
0
0

Wararka kasoo gaaraya warsidaha Puntland Post magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya xiisad hor leh oo kasoo cusboonaatay  ka dib markii uu ka dhex bilowday dagaal la isku adeegsanayo hubka waaweyn ciidamada Puntland iyo Galmudug casar liiqii galabta.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan, walow uu ahaa mid inta badan labada dhinac isku adeegsanayeen madaafiic waaweyn oo la isugu jawaabayo.

Xiisada ka jirta magaalada Gaalkacyo ayaa kusoo beegmaysa xilli in ka badan todobaad magaaladu ay xasiloonayd islamarkaana ay kusoo gaareen saacadihii lasoo dhaafay Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug heshiis qodobkiisa 1aad uu dhigayo xabad joojin.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post “Deg Deg “Dagaal kasoo cusboonaaday magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22743

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>