Garowe (Puntland Post):- Wafti uu hogaaminayo Agaasimaha Hay,adda Astaynta iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa Dpwlada Puntland Cabdiraxmaan Cali Guureeye ayaa uga qeyb galay dalka Kenya kulamo aqoon kororsi ah ka dib marti qaad ay u fidisay Xafiiska La dagaalanka Musuq maasuqa Puntland Hay,adda ugu sareysa dalka Kenya ee La dagaalanka Musuqmaasuqa iyo Ilaalinta Anshaxa Dowladnimada ee loo yaqaan Kenya Ethecs and anti- corruption commission(EACC).
Kulamo afar maalmood socday ayay isku dhaafsadeen waftiga ka tirsan Hay,adda Astaynta iyo La dagaalanka Musuq maasuqa Puntland iyo Masuuliyiinta Xafiiska Dowlada Kenya u qaabilsan La dagaalanka Musuq maasuqa iyo Ilaalinta Anshaxa Dowladnimada aqoon iyo waaya agagnimo la xirriira shaqooyinkooda,.
Agaasimaha Ha’adda Astaynta maamul wanaagga iyo la dagaalnka Musuqmaasuqa Puntland Cabdiraxmaan Cali Guureeye ayaa la wadaagay Dowladda Kenya siday uga go,an tahay Dolwadda Puntland in Maamul wanaaggu ku baaho Puntland oo dhan, Islamarkaana dagaal cad ula gali lahayd Musuq maasuqa.
Sidoo kale waxa uu ka dhagaystay warbixin ballaran oo la xirrrita heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay Ha,yaddan Dowladda Kenya u qaabilsan arrimaha la xirrira la dagaalanka musuqmaasuqa iyo Anshaxa dowlad wanaagga, Xoghayaha guud ahna Agaasimaha guud ee EACC Halkhe Waqo.
Waxayna kusoo dhamaadeen kulamada iyo tababaro muddo afar maalmood ah oo socday guul iyo jawi is faham oo dhex maray Hay,adda Astayn Maamul wanaaga iyo La dagaalanka Musuq maasuqa Puntland iyo Hay,adda La dagaalanka Musuq maasuqa iyo Ilaalinta Anshaxa Dowladnimada Kenya.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Hay’adda Astaynta maamul wanaagga Puntland oo wada shaqayn dhow la bilowday Dhigeeda Dalka Kenya appeared first on Puntland Post.