Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22749

Dooni Ay la socdeen in ku Dhow 300 oo muhaajiriin oo ku Dagtay Xeebaha Liibiya

$
0
0

Inta la xaqiijiyay 239-qof  muhaajiriin ah ayaa ku dhimatay Badda Mediterraneanta ee xeebaha dalka Libya kadib markii doonidii ay la socdeen ay dagatay.

Hay’adda muhaajiriinta Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in koox muhaajiriin ah oo ay ku jiraan 20 duymar ah iyo 6 caruur ah ay dooni yar ka raaceen xeebaha Libya Arbacadii, balse ay doonidaasi saacaddo kadib badda kula dagtay.

Wararka ayaa sheegaya in shaqaalaha gurmadka markii ay halkaasi gaareen, inta badan kooxdaasi ay baddu liqday, waxaana la helay maydka 12 qof, oo ay ku jiraan saddex caruur ah 27 qof ayaa la sheegayaa inay shilkaasi ka bad-0baadeen.

Sidoo kale Hay’adda muhaajiriinta Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in  laba haween ah laga soo bad-baadiyay kadib markii dooni ay iyaduna isla wakhtigaasi badda ku dagtay, Doonidaasi yar waxaa saarnaa 130 qof.

Hay’adda IOM ayaa sheegtay in 4kun 220 qof ay sannadkan badda Mediterranean-ka ku dhinteen, iyadoo sannadkii horena ay isla baddaasi ku dhinteen 3777 qof.

PUNTLAND POST

The post Dooni Ay la socdeen in ku Dhow 300 oo muhaajiriin oo ku Dagtay Xeebaha Liibiya appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22749

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>