Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Kismaayo: Booliska Jubaland oo tababar looga furey magaalada Kismaayo.

$
0
0

Kismaayo: (pp)- 150 askari oo ka tirsan ciidamada booliska Jubaland ayaa maanta tababar uu uga furmey Dugsiga ciidamada cirka ee la yiraahdo (Ma-Dhamaato) oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo.

Ciidamada oo ah kuwo laga soo aruuriyey deegaanada Maamulka Jubaland ayaa la sheegey inay qeyb ka noqon doonaan sugida amaanka magaalooyinka Jubaland iyo magaalada hadda maamulku si KMG ah ugu sii shaqeeyo ee Kismaayo.

Tababarka oo soconaya muddo labo todobaad ah ayaa waxaa ciidamada Jubaland ka gacan siiyey Ciidamada Nabad ilaalinta ee Sierra Leone kuna sugan Magaalada Kismaayo , kuwaas oo sheegey inay ka taageerayaan dhinacyo badan oo baahiyo ay ka jiraan.

Afhayeen Jubaland Abdinaasir Seeraar oo warbaahinta la hadlayay ayaa waxa uu sheegey in ciidanka tababarka loo furey ay yihiin kuwo loogu talo galay sugida amaanka, iyadoona uu intaas ku darey in ciidamadan marka ay soo dhameystaan tababarka ay noqon doonaan kuwo xoojiya ciidamadii horey amaanka u sugayey ee ka tirsanaa maamulka Jubaland.

Seeraar ayaa ugu danbeyntii sheegey in amaanka Kismaayo xilligan uu yahay mid wanaagsan oo aysan ka jirin amaan daro iyo fowdo midna, islamarkaana ay ku dadaalayaan sidii kor loogu sii qaadi lahaa tayada ciidamada amaanka suga, iyadoona uu sheegey inuu ku rajo weyn yahay ciidankan marka uu usoo dhamaado tababarku inay wax ka bedeli doonaan qaabkii hore amaanka loo sugayey.

Puntlandpost.com
Kismaayo.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>