Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Bosaso: Odoyaal waan waan nabadeed ka dhex bilaabey beelo dirirey maalmihii lasoo dhaafey.

$
0
0

Boosaaso: (pp)- Nabadoono ka tirsan kuwa gobolka bari ayaa magaalada Bosaso ka amba baxay iyaga oo kusii jeeda Degmada Rako oo ka tirsan Gobolka Karkaar,halka ay jirto nabadoono iyana kasoo laabtey Degmada Carmo oo maalmihii lasoo dhaafey ay ka wadeen xoojinta waan waan laga dhex bilaabey labo beelood oo walaalo ah oo xiisado kasoo dhex cusboonaatey todobaadkii lasoo dhaafey.

Odoyaasha oo u badan nabadoonada Degmooyinka Carmo iyo Rako kasoo kala jeeda ayaa qeybtood ay dib ugu soo guryo noqdeen magaalada Bosaso oo ay ahayd halkii ay ka amba bexeen markii xiisada beeluhu bilaamatey halka qeybta labaad ee nabadoonadu iyana maanta ka amba baxeen Magaalada Bosaso iyaga oo kusii jeeda Degmada Rako.

Nabadoon lagu magacaabo Maxamed Casayr Cabdulle oo ka mid ahaa odoyaashii kasoo laabtey safar ay ku tageen Degmada Carmo ayaa yiri isaga oo saxaafada Bosaso kula hadlaya maanta ” dhamaan goobihii aanu tagney si aad ah ayaa naloo kasoo dhaweeyey, waxaana la kulaney dadka walaalaha ee fidmada laga dhex wado, wax fiicana meel ayaan isla soo dhigney, dadaalka qaboojinta xiisaduna waa mid noogu bilowday wado fiican”

Beelaha Cali Saleebaan iyo Ugaar saleebaan ayaa xiisad dagaal oo todobaadkii hore kasoo dhex cusboonaatey ay sababtey geerida tiro dhowr qof oo ay isaga dileen dagaalo ku dhex marey dhulka miyigaa, iyadoona xiisadan ay noqoneyso mid fashil ku reebeysa heshiisyo horey loo dhex dhigey, kuwaas oo ay qeyb weyn ka qaadatey Dowlada Puntland.

Marka laga yimaado xiisadaha labadan beelood ayaa hadana waxaa ka jirra Gobolada Bari iyo Karkaar xiisado kale oo loo caal waayey oo ay suurto gal tahay inay mar walba kasoo dhex cusboonaato beelaha kale ee gobolada ku wada nool, iyadoona dadka arrimaha beelahan falanqeeya ay sheegayaan inay yihiin dirirta beelaha Gobolka bari kuwa si aad ah dadka reer Puntland ugu wareersan yihiin xal u helistooda, walow hadda xaaladu ay tahay mid degan oo aysan jirin cabsi kale oo laga qabo isku dhacyo ay sameeyaan beelaha hada waan waanta dib looga dhex bilaabey.

Maalmihii lasoo dhaafey ayaa baaqyo kala duwan oo ka imaanayay Dowlada Puntland iyo Waxgaradka kale ee reer Puntland ku sheegayeen qaboojinta colaada u dhaxaysa labadii beelood ee ay dhex marto dirirtii ugu danbeysay.

Puntlandpost.com
Boosaaso.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>