Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22749

QM oo Sheegtay in Al-Shabaab ay Qatar ku yihiin Amniga Doorashada Dalka

$
0
0

Qaramada Midoobay warbixin ay soo saartay ayay ku sheegtay in xarakada Al-shabaab ay tahay weli Qatarta ugu weyn ee jirta islamarkaana ay awood u leeyihiin in ay qaadaan weeraro waaweyn.

Kooxda Monitoring group oo soo saartay warkaan ayaa waxaa sheegtay in Al-shabaab ay fuliyeen 6 weerar oo waawayn oo lagu qaaday  hoteelo illaa iyo bishii November 2015 iyo intii u dhaxaysay bishii June ee sanadkaan 2016-ka.

Ciidamada Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa la tilmaamay in ay la xarbinayaan Xarakada Al-shabaab si ay u hakin lahaayeen weerarada Al-shabaab ay ka geystaan gudaha dalka Soomaaliya.

Kooxdaan ayaa waxaa ay shaacisay in warbixintaan ay u gudbisay golaha ammanka ee Qaramada Midoobay maadama ay xarakada Al-shabaab ay Qatar ku yihiin nabadda iyo ammaanka Somalia islamarkaana ay siiwadaan xasiloonidaro sida ay sheegtay monitoring groub oo ah kooxda cunaqabataynta hubka iyo lasocodka Soomaaliya.

Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa waxa  ay warbixintaan ku sheegtay in dagaalyahanada Al-shabaab ay helaan  dhaqaale gaaraya $18 million oo dollar-ka Mareykanka  oo meelo kala duwan ay ka helaan.

PUNTLAND POST

The post QM oo Sheegtay in Al-Shabaab ay Qatar ku yihiin Amniga Doorashada Dalka appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22749

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>