Wafti Xildhibaano ah oo uu hogaaminayey Gudoomiye kuxigeenka Xuquuqul Insaanka Puntland Nuuradiin Cabdirishiid Cali sharmaake oo kusugan magaalada Boosaaso.
Wafdigan ayaa booqday xarumo kala duwan oo ay ka mid tahay Xabsiga weyn ee Boosaaso, Xarunta looga arimiyo maamulka gobalka Bari ,Taliska qebta Booliska, Saldhiga bartamaha iyo xarunta wasaaradda haweenka ee magaalada Boosaaso.
Ujeedka kormeerkooda ayaa ahaa sidii ay wax uga ogaan lahaayen xalada ka jira gobalka guud ahaan Bari.
Gudoomiye kuxigeenka Xuquuqul Insaanka Baarlamaanka Puntland Nuuradiin Cabdirishiid Cali Sharmarke ayaa Saaxaafada la hadalay markii uu soo dhamaaday kormeerku, wuxuuna ka warbixiyey ujeedka socdaalkooda.
Hoos ka Daawo muuqaal warbixinta
CABDIQANI BOOS
PUNTLANDPOST
BOOSAASO
The post XILDHIBAANO KA TIRSAN BARLAMAANKA PUNTLAND OO BOOQDAY XARUMO MIHIIM AH OO KU YAALA BOOSAASO appeared first on Puntland Post.