PP- (Muqdisho) Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa Ayaa Goordhow isku qarxiyay goob ay ku sugnaayeen Ciidamo u diyaarsanaa Sugida Amniga Magaalada Muqdisho Xiliyada Habeenkii.
Ciidamada qarxa lala beegsaday ayaa la sheegay in ay isugu jireen Boolis, Nabad Sugida iyo kuwa Midowga Afrika ee Amisom, waxayna Ciidamo isku diyaarinayayeen sugida amniga Muqdisho, waxaana la ogeyn qasaaraha ka dhashay qaraxa.
Inta la xaqiijiyay 4-askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo ruuxii gaariga miineysan watay ayaa ku dhintay sida mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaliya ay xaqiijiyeen.
War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada al-shabaab ayaa lagu sheegay in gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo uu kaxaynayay Askari katirsan Guutada isqarxinta uu beegsaday gaadiid kolonya ah oo ay la socdeen saraakiil katirsan sirdoonka dowladda Federaalka.
Laamaha amaanka Kama hadlin Weerarkaasi iyo Qasaaraha rasmiga ah ee uu geeystay Waxaana qaraxani uu ku soo Beegmayaa Xili Amaanka Muqdisho Sare loo qaaday.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho
The post Qarax Ismiidaamin Ah oo Muqdisho Ka dhacay appeared first on Puntland Post.