Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Ku Afuri walaalkaaga Muslimka ah Maalintii 3 Dollar oo kaliya, Fariin iyo Sawiro.

$
0
0

 

Guddiga Culimo udiinka ee Jimciyada wanaag farida iyo xumaan reebida ee Garowe Puntland Somalia, horey uu uga mid ahaan Alle ha u naxariistee Shiikh Abdulqaadir Nuur Faarax ayaaa qoraal ay soo saareen ugu baaqey bulshada Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan Afurinta walaalahooda muslimiinta ee danyartaa , kuwooda aan waxba heli karin , xilli ay soo dhow dahay bishii ramadaan.

4Afurinta dadka Masaakiinta ayaa culimadu ay ciwaan uga dhigeen (Ku Afuri Walaalkaaga Muslimka ah Maalintii 3 Dollar), iyadoona xarunta Jimciyadu ay qoraalka hoose kusoo gudbineyso cadeymo muujinaya sida ay bil kasta oo ramadaan ay kaalin muhiim ah uga geysan jireen gaarsiinta dadka danyartaa sadaqada uga timaada bulshada iyo dhamaan ummada Islaamka ah.

3Sawirada Muujinaya muuqaalka dadka la gaarsiinayo afurinta ayaa waxaa ka dhex muuqanaya alle ha u naxariisto Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo isagu ka mid ahaa asaasayaashii Xarunta Wanaag farida iyo xumaan reebida .

Hadaba hoos ka akhriso fariinta Jimciyada naga soo gaartey.

Dhammaan Muslimiinta jecel in ay la baxaan hantida Alle siiyey bisha barakaysan ee Ramadan, dhammaan dadka jecel in ay afuriyaan walaalahooda muslinka ah ee Sooman , Waxaa lala socodsiinayaa in Jamciyadda almarubilmacruuf wannahyi canilmunka ay qorshaysay in ay uruuriso lacagaha iyo raashinka ay bixinayaan walaalaha jecel inay ka qayb qaataan afurinta walaalahooda muslimka ah ee soomman bisha Ramadan ee barakaysan, qorshahaan waxay jamciyadu samaysaa sanad kasta waxaana loo yaqaan ,

1KU AFURI WALAALKAAGA SOOMAN”. Maalintii $ 3 doolar.

Haddaba walaalaha danaynaya inay Alle ugu dhawaadaan afurinta walaalahooda sooman waxay ku soo aadin karaan lacagta ay la baxayaan:

Golis Account : 401229

Sahal: 7744524, 7724462.

 Amal akoon – 0778 ama dahabshiil- 1831.

Walaalayaal, innaga oo dareensan ajarka faraha badan ee qofka muslimka ahi ka helayo afurinta walaalkiisa muslkim ah ayaa waxaa laga codsanayaa walaalaha in ay qayb laxaadle ka qaataan shaqadan.

Jamciyaddu waxay diyaarisay sidoo kale dhammaan agabkii, qalabkii ay ku afuri lahaayeen dadkaasi, iyadoo sidoo kale diyaarisay dadkii raashinka samayn lahaa iyo xarumo loogu talagalay inay dadkaas ku afuraan.

Wixii faahfaahinna oo arintaan ku saabsan waxaa laga xiriiri karaa guddiga hawsha oo kala ah.

1. Sh. Yaasiin Cabdullahi Cali 7 724462.

2. Sh. Jaamac Siciid 7 754585.

3.Maxamed Xamari 7746674.

4.Sh.farax cabdi jamac 7746375.

Daawo Sawirada oo aad ku arkeysaaan iyada oo ay culimadu ay dadka gudoonsiinayaan caawinta ay usoo hadiyadeeyeen walaalahooda muslimiinta, Sawirada aad u jeedaan waxaa ku jirra Alle ha u naxariisto Shiikh Abdulqaadir Nuur Faarax oo ka mid ahaa culimadii hogaaminaysay howlaha samafalka ee Jimciyada iyo Shiikh Maxamud Xaaji Yuusuf oo hadda ka mid ah culimada howshii halkooda kasii wada.

9 7 2 8 1 5 3Daabacaada : Puntlandpost.com.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>