Galkacyo: (pp)- Taliyaha qeybta Booliska ee Gobolka Mudug ayaa fariin culus u direy xubno uu sheegey taliyuhu inay yihiin siyaasiin ka tirsanaan jirey Dowladii KMG-ka ahayd, kuwaas oo u dhashey deegaanka inay todobaadyadii lasoo dhaafey Gaalkacyo ka wadeen kulamo dadka gobolka lagu kala qeybinayo iyo kuwo ay rabaan inay dadka kaga horkeenaan Dowlada Puntland ee xilligan jirta.
Taliye Jaamac Maxamed (Sandaqad ) waxa uu sheegey xilli uu ka hadlayey shir jaraa,iid oo uu gaalkacyo ku qabtey inuu ku waaninayo shaqsiyaadka uu eedeynta usoo jeediyey sidii ay uga waantoobi lahaayeen arrimaha ay faraha kula jiraan, hadii aysan suurto galina ay hay,addaha amaanku talaabo muuqata ka qaadayaan.
Sandaqad ma uusan sheegin magacyada siyaasiinta uu ku eedeynayo inay Gaalkacyo ka wadaan kulamo iska horkeen ah, balse waxa uu carabka ku dhuftey inay ku jiraan dadkaasi rag xillibaano mar kasoo noqdey dowladihii KMG-ka ahaa ee Somalia ka hor intii aan loo gudbin Federalka.
Marka laga soo tago hadalka Taliyaha qeybta booliska Gobolka Mudug waxaa marar kala duwan dhicisoobey isku dayo lagu doonayey in shacabka laga horkeeno Xukuumada uu hogaaminayo Dr Faroole, ka dib markii ay ku dhawaaqdey inay dalka ka hirgalin doonto mid ka bedelan nidaamkii horey dadku ay wax ugu soo dooran jireen.
Waxaana dad badan u sababeynayaan fashilka ku imaanaya mar walba isku daygooda talaabooyinka ay wadaan mucaaradka Madaxweyne Faroole inay qeyb weyn ka tahay xubnaha horboodaya kooxahaasi oo ah iyagu kuwo si weyn ugu yaqaaniin bulshada reer Puntland inay ka mid ahaayeen liiska Magacyada kusoo fashilmey siyaasada hogaamineed xilligii ay kuraasta ka hayeen Xukuumadihii iyo Dowladihii Puntland soo marey.
Iyadoona inta badan dadku ku eedeynayaan siyaasiinta sheegtey inay ka mid yihiin mucaaradka diidan nidaamka hadda soconaya kuwo horey loogu soo bartey siyaasada islamarkaana aanan laga fili karin isbedel ummada mustaqbal u horseedaya oo ay keeni karaan, waxayna dad badan marka ay amuurahaas ka hadlayaan si kooban u yiraahdaan ” Ma Jirto cid noo muuqata oo aan ku bedelano ilaa hada Faroole, Kuwa meelahaas ka qeylinaya aad baa looga yaqaan Puntland oo ma ahan kuwo ummada ka gadmaya waxay ka mid ahaayeen xubnihii soo fashilmey , waqtigoodii siyaasada ay hogaamin lahaayeena ma ahan xilligan waa laga soo gudbey”
Puntlandpost.com
Gaalkacyo.