Garowe (Puntland Post):- Wasiirka caafimaadka dowladda Puntland Dr. Cabdinaasir Cismaan Cuuke ayaa maanta furay shir balaaran oo Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’addaha la shaqeeya ay dib u eegis ugu sameynayaan qorshayaashii la degsaday sanadkan 2016, Waxyalaaha la qabtay iyo Kuwa aan qabsoomin.
Dr, Cabdinaasir Cuuke ayaa sheegay shirkan oo labo maalin socon doona in la isku weydiin doono cid walba wixii u qabsoomay iyo qorshihii ay degsatay ee ku saabsanaa xaga caafimaadka, Qorshayaashii horey loo dajiyay sanadkii hore ee 2015.
Sidoo kale, Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa sheegay in shirkaan looga doodi doono qorshaha soo socda ee sanadka 2017 sida uu noqon doono iyo talaabooyinka loo baahan yahay in la qaado.
Daawo Sawiradda.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Wasiirka Caafimaadka Puntland oo daahfuray shir dib loogu eegayo qorshayaal appeared first on Puntland Post.