Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Doorashada Madaxweynaha Mareykanka oo Maanta Bilaabaneysa

$
0
0

Waxaa maanta dalka Mareykanka ka dhaceysa dorashada Madaxweyninimo ee dalkaasi mareykanka oo ay ku loolamayaan Donald Trump iyo Hillary Clinton.

Isku soo baxayo loogu diyaar-garoobay Dorashada ayaa xalay oo dhan Waxa ay ka socotay Magaalooyinka waaweeyn ee dalka Mareykanka.

Doorashadaan oo ah mid culus maadaama ay ku loolamayaan Labo Musharax oo aad isugu dhow, islamarkaasina loolan adag iyo xifaaltan culus uu ka dhexjiro.

Afkaar dadka laga aruuriyay ayaa waxa ay muujineysaa in Clinton xoogaa uun ay ka horeeyso Trump dad badan ayaana sii saadaalinayaa in haweeneydaan ay ku guuleeysan Karto Doorashada madaxtinimo ee dalka Mareykanka.

Siyaasiga siyaasada adag ee Trump ayaa dad badani ay dhaliilsanyihiin kuwaasi oo u arka in aanu ku guuleeysan doonin madaxweynaha dalka mareykanka.

Lama ogo xaalka sida uu isku badali doono iyo sida ay noqoon doonto Doorashada iyo waliba cida ku soo baxeyso.

Warka doorashada Madaxtinimo Ee Dalka Mareykanka Kala soco Puntland Post Insh aallah.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post

The post Doorashada Madaxweynaha Mareykanka oo Maanta Bilaabaneysa appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>