Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Dagaal ka socdo Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug

$
0
0

PP- (Gaalkacyo) Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu hadda ka soconayo Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug.

Wariye lagu magacaabo Xasan Cabdiraxmaan Fantastic oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa Puntland Post u xaqiijiyay Dagaalkaas.

Daryanka Madaafiicda iyo Rasaasta ayaa si toos ah looga maqlayaa halka loo yaqaano dooxada oo dhacda duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Waxa ay u muuqataa in ay bur burtay Xabad Joojintii shalay ay shaaciyeen Puntland iyo Galmudug kadib Markii dagaalkaasi ay soo faragilisay Qaramada Midoobay.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa shalay qadka Taleefonka ku wada Xiriiray iyaga oo ku balamay xabad joojin.

Lama oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Dagaalka ka soconaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Gaalkacyo ayaa wehel u noqotay Dagaal joogto ah uu dhaxeeyo Puntland iyo Galmudug Waxaan jirin ilaa iminka dhaqan galka heshiiska Puntland iyo Galmudug.

Faah Faahinta Dagaalka kala soco Puntland Post Insha allah 

The post Dagaal ka socdo Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>