Garowe (Puntland Post):- Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa soo bandhigaysa sawiro muuqaal ah oo ka turjumaya heerka abaarta ka jirta deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Nugaal kuwaas oo aynaan roobabkii deyrtu ka da,in,Islamarkaana u baahan gurmadyo deg deg ah.
Roobabka Deyrta oo xilligoodii la dhaafay ayaa inta badan ka da,in inta badan dhulka Puntland, Waxaana sii xoogeysanaysa abaarta baahsan ee ka jirta dhulka , taas oo saameyn xoogan marba marka ka danbeysa ku yeelanaysa Dadka iyo Duunyada reer Guuraaga ah.
Goobaha ay ka jirto Abaartu Gobolka Nugaal ayaa ah dhulka Ayaxda, Caduunka iyo Hawdka .
Deegaano ka tirsan Hawdka Gobolka Nugaal oo ay dhawaan ka da,een roobabkii deyr-ta ayaa sababay inay kusoo hayaamaan reer guuraa fara,badan oo isaga kala yimid Gobolada Mudug, Nugaal, Bari, Sool iyo Deegaano kale, waxaana xilligan laga dareemayaa dhulkii roobabku qabteen dhawaan abaar baahsan oo lasoo gudboonaatay dad iyo duunyaba.
Baahida ugu daran ee lasoo daristay reer guuraaga ayaa la xiriirta cunto la,aan , biyo la,aan iyo Xoolihii oo marba marka kasii danbeysa uga le,enaya abaaraha baahsan ee ku dhufatay dhulka Puntland oo uu ka mid yahay Gobolka Nugaal.
Daawo Sawiro laga soo qaaday Abaarta ka jirta dhulka Ayaxda ee Gobolka Nugaal.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Daawo Abaar kulul oo ku dhufatay Baadiyaha Gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.