Shirkaan oo ku saabsan diyaarinta Qorsheyaayasha Mashruuca Tayeynta Shaqaalaha(Capacity Injection Project CIP) ee qaybta Puntland Sannadka 2017 ayaa ka furmay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.
Shirkaas oo socondoona muddo dhan 7 casho ah waxaa looga hadlayaa qorsheyaashii sannadka 2016ka waxyaabaha ka qabsamoomay, waxyaabaha aaan ka qabsoomin iyo sababta, sidoo kale waxa si qoto dheer loogu lafa guri doona waxyaabaha la qorshaynayo sannadka 2017ka.
Waxaana kasoo qayb galay dhammaan agaasimayaasha guud ee hayadaha iyo Wasaaradaha ka faa’iidaysanaya Mashruuca tayaynta shaqaalaha oo tiro ahaan dhan sagaal xarumood, kuwaas oo kala ah:
- Madaxtooyada Dawladda Puntland
- Bangiga Dawladda Puntland
- Hay’adda Shaqaalaha Rayidka ah ee Dawladda Puntland
- Wasaardda Maaliyadda Dawladda Puntland
- Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah
- Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha, Dhalliinyarada iyo Ciyaaraha
- Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dawladda Puntland
- Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dawladda Puntland
- Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda
Hay’ad walba oo ka mid ah hay’adahaani ayaa shirka kusoo bandhigtay guulihii ay ka gaartey Mashruucaan CIP, isla markaana waxay soo gudbisay waxyaalaha ay rabto inay qabato sanadka 2017ka ee ay doonayso inay kaga faaiidaysato mashruuca CIP.
Waxaa la filayaa shirkaas uu soo geba geboobo maalinta khamiista ee ku beegan November 11, 2017 iyadoona laga filayo in ay kasoo baxdo wax guul u ah guud ahaan shacabka reer Puntland.
The post Shir looga hadlayo Qorsheyaasha Mashruuca CIP oo ka furmay Nairobi appeared first on Puntland Post.