Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Trump oo jeediyay Khudbadiisii ugu horeeysay Kadib Guushii uu gaaray

$
0
0

Madaxweynaha Cusub ee Wadanka Mareykanka Doland J.Trump oo maanta ku guuleystay Doorashada madaxtinimo ee Mareykanka ayaa jeediyay khudbadiisa Guusha.

Trump oo la hadlayay boqolaal kamid ah Taageerayaal xamaasadeysan oo isga u codeeyay ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu ku guuleysto Doorashada Madaxtinimo ee Dalka Mareykanka.

Trump ayaa sheegay in uu u qaban doono Dalka Mareykanka waxyaabo kala duwan oo ay kamid tahay kobaca dhaqaalaha iyo hormarinta Bulshada Mareykanka sida uu sheegay Trump.

Waxa uu u mahadciliyay Clinton uu sheegay in ay tartan culus la gashay inkastoo uu ka guuleystay waxaana uu sheegay in Clinton ay tahay haweney dalka wax badan u soo qabatay.

Khudbadiisa waxa kale uu ku soo hadal qaaday arimaha cabsida kentay oo ku aadan in dib loo soo ciliyo Dadka madoowga ah waxaana uu sheegay in isga uu madaxweyne u yahay dhamaan Dadka Mareykanka.

Dad badan ayaa niyad jab xoogan la yimid kadib markii uu Trump guuleystay kuwaasi oo u arka cunsuri ka soo horjeedo dadka soo galootiga ah.

Hoos ka daawo Khudbada Guusha Trump oo Dhameeytiran.

Puntland Post

The post Trump oo jeediyay Khudbadiisii ugu horeeysay Kadib Guushii uu gaaray appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>