Ciidamada AMISOM ayaa gaari nooca dagaalka oo ay wateen waxa ay duleedka Degmada Ceelbuur ku jiireen qoys shacab ah islamarkaana ku noola deegaan ku dhow Ceelbuur.
Gudoomiyaha Degmada Ceelbuur Cabdi xasan (biyo Quute) ayaa sheegay in kolonyo gadiid oo ay wateen ciidamada AMISOM ay si gaari nooca dagaalka ay u jiireen hooyo xaamilo aheyd iyo sidoo kale Nin Odey waayeel ah islamarkana indhoole ah.
Gaariga ayuu sheegay in uu dul maray hooyada xaamilada aheyd xili aqalkeda ay ku jirtay waxana gaariga banaanka keenay caloosha hooyada iyadoona ay ku dilmeen caloosha hooyada labo carruur oo mataano aha.
Sidoo kale gaariga ayaa jiiray nin odey waayeel aha oo islamarkaana indhoole ah kuna sugnaa xiligaa isagana aqalka guriga.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada falkaan geystay ay ka soo anba baxeyn deegaanka Wabxo islamarkaana ay ku wajahnaayeen degmada Ceelbuur si saad ciidan ay u gaarsiiyaan ciidanka joogo Ceelbuur.
Gudoomiyaha Ceelbuur ayaa sheegay in ciidamada AMISOM marki ay falkaasi ay geysteen in ay isaga dhaqaaqeen goobta falka ay ka geysteen.
PUNTLAND POST
The post Gaadiidka AMISOM oo Jiiray Hooyo Xaamilo ah iyo Nin Arag la’ appeared first on Puntland Post.