Wasaaradda shaqada shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha dawladda Puntland ayaa maanta tababar soconayey muddo 5-maalmood ah usoo xirtay Madax-qaybeedyada Farsamada Kumbuyuutarrada iyo Tiknoolojiyadda ee ICT (Information and Communication Technology) oo dhowaan ku soo baxay imtixaankii ay qaaday hay’adda shaqaalaha rayid ah ee dawladda Puntland, iyadoona uu barnaamijkaan Bangiga adduunku ka caawin doono dawladda Puntland.
Madax-qaybeed yadaan cusub ayaa tiro ahaan dhan 9 xubnood ayaa waxaa la baray shuruucda iyo qaab dhismeedka hay’adaha kala duwan ee dawladda maadaama ay yihiin dhallin yaro wax soo bartay isla markaana ku cusub shaqada dawladda.
Madaxqaybeedyada Farsamada Kumbuutarrada ayaa waxa looga fadhiyaa in ay isbeddel muuqda ku sameeya dhammaan maaraynta xogaha dawladda iyagoo adeegsanaya Tiknoolojiyadda casriga ah.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda shaqada shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha qaybteeda dhallinyarada iyo ciyaaraha Axmed Cabdalla Tigaana ayaa kula dardaarmay Madaxqaybeedyadaani cusub in ay noqdaan kuwo saamayn ku yeesha shaqaalihii hore u joogey xarumaha ay ka hawlgeli doonaan, isla markaan ay xil weyn iska saaraan ilaalin waqtiga shaqada iyo adkaynta xogta dalwadda.
Ugu dambayn Wasiir ku-xigeenka wasaaradda shaqada shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha Cabdirisaaq Shire Ismaaciil oo tababarka soo xiray ayaa Madaxqaybeedyada cusub ee Farsamada Kumbuyuutarrada u sheegay in ay dawladdu aad ugu hanweyn tahay lagana filayo in ay la yimaadaan shaqo car-carteeda wada.
Sidoo kale Wasiir ku-xigeenku waxa ku boorriyey Madaxqaybeedyadaan cusub in ay noqdaan kuwo hab dhaqan wanaagsan ku dhex leh bulshada iyo shaqaalaha cusub ee ay xafiisyada ugu tegeyaan, sidoo kale wasiirku waxa uu xusay Madaxqaybeedyadani in ay yihiin shaqaale dawladeed isla markaana waajib ku tahay in ay fuliyaan shaqo walboo ay dawladdu u dirsato.
Barnaamijkaan ayaa qayb ka ah ballan qaadkii Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ee ah dib u habaynta shaqaalaha dawladda, maadaama shaqaaluhu yahay halbowlaha shaqada dawladda, taa beddelkeedana loo bahan yahay in la tayeeyo shaqaalaha si natiijo wanaagsan loo gaaro.
The post Garoowe: Madax qaybeedyo Tababar loo soo xiray appeared first on Puntland Post.