Garowe (Puntland Post):- Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda haweenka iyo horumarinta qoyska Puntland ayaa maanta ka sameeyay tuulada Baleey oo ku taala duleedka Waqooyi bari ee magaalada Garowe wacyi galin ku saabsan ka hortaga gudniinka ee gabdhaha.
Barnaamijkan oo ay waday waaxda ka hortaga tacadiga ka dhanka ah Jinsiga iyo Isu duwaha Wasaaradda Haweenka ee Gobolka Nugaal, Waxaa diirada lagu saarayay sidii loo cirib tiri lahaa gudniinka gabdhaha oo qeyb weyn ka ah tacadiyadda loo geysto haweenka.
Sowdo Xuseen Maxamed oo ah Isu-duwaha Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland ee Gobolka Nugaal ayaa sheegtay inay xoojiyaan dadka ku nool tuulada Baleey gudniinka gabdhaha, Inay daryeelaan caruurtooda, inay sameeyaan isku tashi , iyo inay ku xirnaadaan Wasaaradda si wax looga qabto baahida ka jirta Baleey.
Daawo Sawiradda.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST.
The post Wasaaradda Haweenka Puntland oo wacyi galin ka samaysay tuulada Baleey appeared first on Puntland Post.