Qardho(Puntland Post):-Aqoonyahanadan Asli Isse Abshir oo kamid ah aqoonyahanada reer Puntland oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Qardho ee xarunta gobalka karkaar ayaa sheegaty in ay u taagantahay kamid noqoshada xubinimada aqalka hoose ee Barlamanka Soomaliya, waxayna kaga dhawaaqday magaalada Qardho Iyadoo sheegtay in hadii ay ku guulaysato kursigan ay wax wayn ka badali doonto Xaalada dalku ku suganyahay .
Aqoonyahanadan Asli ayaa sheegtay sababta ku kaliftay in ay isusoo sharaxdo ay tahay kadib markii ay o gaatay in ay buuxin karta shuruudaha laysaga baahanyahay oo ay ugu horeyso aqoon iyo waayo aragnimo .
Is sharaxida Asli Abshir ayaa ku soo beegmaysa xili gudiga doorashada dadban soomaaliya ay codsanayaan in haweenka qoondadooda 30% la helo.
Hoos ka daawo shir jaraa’id oo ay ku qabtay magaalada Qardho ee xarunta gobalka karkaar
The post Qardho,Asli Ciise Abshir oo u sharaxan Xildhibaanada aqalka hoose ee Soomaaliya . appeared first on Puntland Post.