Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Ciidamo Gadoodsan oo la wareegay Xarunta Dorashada Kismaayo

$
0
0

Warar Deg Deg Ah oo Warbaahinta Puntland Post ay hadda ka haleeyso Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay Sheegayaan in ciidamo Gadoodsan Ay la wareegeen Xarunta Doorashooyinka Maamulka Jubbaland Ee Magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadaan oo aad u hubeeysna Ay Guud ahaan Albaabada isugu dhufteen Xarunta Doorashada Jubbaland Ee Magaalada Kismaayo.

Ciidamada ayaa u diiday Odoyaasha iyo Dad Marti sharaf ahaa in ay Goobtaasi ku sii sugnaadaan iyaga oo ka saaray Xarunta.

Ciidamo katirsan kuwo Nabadsugida Ee Jubbaland ayaa Gaaray Goobta Kuwaasi oo laga cabsi qabo in ay dagaalamaan.

Warar hordhac ah ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamadaan uu wato Siyaasi looga guuleeystay Doorashada Aqalka Hoose Ee Kismaayo ka dhacday.

PUNTLAND POST

The post Ciidamo Gadoodsan oo la wareegay Xarunta Dorashada Kismaayo appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>