
Garowe (Puntland Post):- Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland ayaa G/Sare Cabdirashiid Maxamuud awxuseen (Xinjiri dhuuq) u magacaabay taliyaha qaybta booliska gobalka Nugaal waxaana uu badalay Cabdiraxmaan Xaaji Abshir oo xilkaasi hayey.
Sidoo kale waxaa loo magacaabay Ibraahim Maxamad dooli Taliye ku xigaynka qaybta Booliska gobalka Nugaal.
Taliyaha cusub oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay xilka loo magacaabay waxaana uu sheegay inuu si wanaagsan u gudan doono xilka loo magacabaay.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Taliye cusub oo loo magacaabay Qeybta Booliska Gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.