Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Baraawe: Shiikh Xasan Daahir Aweys oo doon ku baxsadey isaga oo la qaban rabo,Warbixin.

$
0
0

Baraawe: (pp)- Kooxda Alshabab oo war qoraal ah soo dhigtey mid ka mid ah baraha Internetka ay ka isticmaalaan ayaa lagu cadeeyey rag uu ka mid yahay Shiikh Xasan Daahir Aweys inay doon ay uga baxsadeen Degmada Baraawe oo ka tirsan Gobolka Sh/hoose ka dib markii looga itaal roonaadey iska hor,imaadyo degmadaas ka dhacayey maalmihii lasoo dhaafey, una dhexeeyey hogaamiyaasha Ururka Alshabab.

 

Shiikh Xasan Daahir Aweys

Shiikh Xasan Daahir Aweys

Baxsashada Xasan Daahir Aweys ee Degmada Baraawe uu doonta kaga soo fakadey ayay ku sheegeen garabka uu hogaaminayo Godane ee Alshabab inay ka danbeysay ka dib markii lagu helay cadeymo muujinaya raga la garabka Shiikh Xasan Daahir inay ku howlanaayeen burburinta Ururka oo xilliyadii u danbeeyey ahaa mid aan cago badan ku taagneyn.

Marka laga yimaado Shiikh Xasan Daahir oo ka fakatey garabka uu hogaamiyo Axmed Cabdi Godane ayaa hadana wararka aanu ka helayno degmada baraawe ay sheegayaan in kooxda Amniyaad ee godane ay gacanta ku dhigeen xubno ay isku aragti ahaayeen Shiikh Xasan Daahir Aweys , kuwaas oo ilo xogogaal ah Puntlandpost u sheegeen inay ka mid yihiin saraakiisha iska leh magacyada hoos ku qoran.

1-Cabdi Xamiid Xaashi Colhaye oo loo yaqaan Macalin Burhaan oo ay xaaladiisa ka soo baxayaan warar kala duwan .
2-Xikmatyaar Al Hargeysaawi
3-C/rashiid Abu Yonis Al-Gedaawi  oo ahaa Masuulkii Maktabka Dacwada Al-Shabaab.
4-Zubeyn Al-Muhaajiri
5-Ibraahim Xaji Miicaan (Afgani) oo ay xaaladiisu warar kale duwan ay ka soo baxayaan
6-Abu Yuusuf Al-Muhaajir

Tiro ka badan toboneeyo ka tirsan maleyshiyaadka Alshabaab ayaa ku dhintey dagaaladii ka dhacay maalmihii lasoo dhaafey Magaalada Baraawe , kuwaas oo kala taageerayay horjoogayaasha Ururka, oo iyagu ulo booc leh isugu tukubayey bilihii ugu danbeeyey, islamarkaana hanjabaadyo iyo hadalo kul kulul oo ay isu dirayaan banaanka soo dhigayey.

Doonta uu kusoo baxsadey Xasan Daahir Aweys oo aan la aqoon goobta uu kaga degay ayaa hadana warar is khilaafsan oo laga helayo qeybo ka mid ah Gobolka Mudug gaar ahaan Deegaan lagu magacaabo Faax oo cabir ahaan u dhexeeya Degmooyinka Hobyo iyo Xarar dheere ay sheegayaan inay doontu keentey Shiikh Xasan Daahir Aweys oo sida la sheegey uu la socdo sarkaal horey ugala tirsanaan jirey Ururkii Burburey ee Xisbul Islaam.

Lama cadeyn karo in horjoogayaasha kooxda Alshabab ay ku kala adkaadeen dagaaladii dhex marey Todobaadyadii lasoo dhaafey , kuwaas oo ka dhacayey deegaanada ay wali ka talinayaan ee ka tirsan  Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Dalka Somalia,balse sida muuqata kooxda Alshabab oo u kala qeybsantey labo garab ayaa moodaa in garabka uu hogaaminayo Axmed Godane uu ku gacan sareeyo marka loo eego Degmada baraawe oo ka mid ah meelaha ay ugu xoog badan yihiin Ururka Alshabab oo laga soo saarey xubnaha Xasan Daahir uu ka mid yahay oo iyagu doon kusoo baxsadey.

Wixii warar ah oo kasoo kordha baxsashada Xasan Daahir Aweys kala soco Puntlandpost oo idinku maqan macluumaad dheeriya.

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles