Waxaa Degmda Carmo lagu soo gaba gabeeyey nedwo cilmiyeedkii sanadlaha ahayd ee ka socotey masjidka Al-Taqwaa ee Degmada CaRMO. Nadwadan oo ahayd tii 5-aad waxaa sanadkan lagu qaadaa dhigay mawduucan(حاجة الأمة إلي منهج أهل السنة والجماعة) Baahida Umaddu u qabto Manhajka Ahlusunna Waljamaaca.Waxaana ka qayb galay qaar ka mid ah Culumada Puntland iyadoo ay Bar-bar socotay, Muxaadaraadka Dumarka, iyo kulamo loo qabtay qaar ka mid ah qaybaha Bulshada.Gabagabadii nedwada waxay culimadii ka qaybgashay Nadwadan ay si wada jir ah usoo saareen bayaan 10 qodob kakooban oo ay arimo badan kaga hadleen.
Bayaankuna wuxuu u qornaa sidaan soo socota: Ilaah baa mahad leh, nabadgelyo iyo Naxariis Nabigeennii Muxammad ahaa, eheladiisii, asxaabtiisii, atbaacdoodii iyo intii wanaag ku raacday tan iyo qiyaamaha dushooda ha ahaato. Intaa ka dib waxaan Ummadda ugu baaqaynaa arimaha soo socda:-
Waxaan ummada soomaaliyeed ugu baaqaynaa qabsashada Kitaabka iyo Sunnada Nabiga (scw) , faafinta iyo difaaca manhajka saxda ah ee Ahlusunna Waljamaaca, Haddii Ummadu qabsato Labadaas Asal waxaa hubaal ah in Ummadaasi Hagaagto ayna yeelato Wanaag adduun iyo mid Aakhiro.
Waxaan ugu baaqaynaa Beelaha walaalaha ah ee colaadda sokeeye ka soo cusboonaatay in ay ilaahay uga baqaan dagaalka qabyaaladeed ee addun iyo aakhiroba lagu halaagsamayo, ayna si deg-deg ah u joojiyaan isku dhacyada hubaysan ee dhexdooda ah, beddelkeedana ay bilaabaan sidii wadahadal iyo dhanka wanaagga loogu soo laaban lahaa.
Waxaan ugu baaqaynaa waxgaradka labada beelood ee walaalaha ah in ay u guntadaan sidii loo joojinlahaa dhiig dambe oo daata.
Waxaan ugu Baaqayna Beelaha kale ee deegaanka kula nool labada beelood ee walaaalaha in ay u istaagaan gacan buuxdana ka geystaan sidii beelahaas walaalohood ah ay khilaafkooda u xalin lahaayeen.
Waxaan ugu baaqaynaa Maamulka Puntland in uu guto xilkiisa mas,uuliyadeed ee kasaaran nabadaynta iyo xallinta beelaha walaalaha ah.
Waxaan ugu baaqaynaa si gaar ah isimada iyo Nabadoonada Puntland in ay u istaagaan, gutaanna xilkooda dhaqan ayna ilaah ugu baqaan dhibaatada qabyaaladeed ee soo noqnoqotay, islamarkaasna ay curiyaan xalkii lagu dawayn lahaa dhibaatada soo noqnoqotay.
Waxaan ugu baaqaynaa aqoonyahanka, iyo ardayda Soomaaliyeed inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara qabyaalad, iyo inay ka wacyi sareeyaan oo aysan u fakarin/dhaqmin sida dadka aan aqoonta lahayn, waxaan usoo jeedinaynaa inay ka waan toobaan inay aqoontooda uga qayb qaataan dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed sida; inay hadal iyo qoraalba uga qayb qaataan qabyaalada.
Waxaan ugu baaqaynaa maamulada iyo beelaha Soomaaliyeed in ay wixii khilaaf siyaasadeed ah ee dhexmara ula tacaalaan sidii walaalo dhibaato wada haysata wada xallisanaya, ayna ka waantoobaan inay isu adeegsadaan awood ama quwado shisheeye. waxaan ku baaqaynaa carabkana ku adkaynaynaa in shacabka Soomaaliyeed shareecada illaahay u celiyaan wax kasta oo dhex mara, kuna kala baxaan sida Kitaabka quraanka iyo Sunnada Nabigu ina farayaan.
Waxaan ugu baaqaynaa Ganacsata Soomaaliyeed iyo qofkasta oo dhaqaale ku bixiya hurinta qabyaalada inay illaahay uga toobad keenaan, xasuustaana in illaahay hortiisa kaligood la waydiin doono shilin kasta meesha uu kasoo galay, iyo meesha ay ku bixiyeen, ayna noqonayso nimcadii illaahay siiyey inay ku xadgudbeen oo ay walaal kood muslim ah ku dhibaateeyeen.
10. Ugu danbayntii Waxaan ugu baaqaynaa Ummada Soomaaliyeed Maamul iyo shacaba sida illaahay ka doonayo oo ah inay midoobaan, waana sida kaliya ee shacabka Soomaaliyeed kusii jiri karo dad ahaan iyo dal ahaan, sidoo kale waxaan carrabka ku adkaynaynaa in ummada Soomaaliyeed xalkeedu ku jiro isku xukunka iyo ku dhaqanka Shareecada islaamka oo kaliya.
Culumada ku saxiixan Bayaankaan
Shiikh Xassan Maxamed Muuse (shikh Xasan Booq
Sh, C/raxmaan Maxamed Dhowre (Sh, Bukhaari)
Prof, Sh, C/rashiid Siciid Ducaale
Sh, Xuseen
Sh, Maxamed Axmed Faarax (Dabiix)
Sh, Shaakir Sh, Cabdi
Sh, Cali Cabdi Axmed
Sh, Maxamuud Maxamed Saafi
Sh, C/kariin C/qaadir Yuusuf
10. Sh, Maxamed Salaad Cusmaan
11. Sh, C/raxmaan Aw Ciise Muuse.
Daawo Sawiro kale oo dheeraad ah.