Garowe (Puntland Post):- Waxaa maanta banaanka Waqooyi ee magaalada Garowe isugu soo baxay kumanaan dadweyne ah iyo masuuliyiin ka tirsan Dowlada Puntland , Kuwaas oo ilaahay u baryaya inuu ka dulqaado abaarta ku dhufatay deegaano badan oo ka tirsan dhulka Puntland.
Isu soo baxaan roobdoonta ah ayaa ka danbeeyay ka dib markii Masaajidyada waaweyn ee magaalooyinka Puntland xalay laga Iclaamiyey isu soo baxaan roobdoonta oo lagu baryayo ilaahay , Islamarkaana dadka loogu weydiinayo qofkii wax awooda inuu u sadaqeysto walaalihiisa Oonka iyo Gaajada kula ildaran deegaano badan oo ka tirsan goboladda Mudug, Nugaal, Bari iyo Karkaar.
Xaaladda Abaarta ka jirta Puntland oo ayaa mareysa meel halis ah oo laga soo dayrinayo, waxaana ku barakacay boqolaal qoys oo ku waayay xoolahoodii .
Daawo Sawwiradda isu soo baxa maanta ka qabsoomay Garowe .
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST.
The post Banaan bax roobdoon oo maanta ka qabsoomay Garowe. appeared first on Puntland Post.