Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Wasiir Ka tirsan Gal-Mudug oo Cadaado Lagu Xiray

$
0
0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado Ee Gal-Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Nabadsugida Maamulka Gal-Mudug ay Goordhow Xabsiga u taxaabeen Wasiir katirsan Maamulkka Gal-Mudug.

Ciidamada ayaa Xabsiga Dhigay  Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Galmudug Maxamed Maxamuud Guure iyo sidoo kale qaar kamid ah ilaaladiisa.

Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in Wasiirkaasi Xarigiisa uu yimid kadib markii Wasiirka ilaaladiisa la sheegay in ay Rasaaseeyeen Xarunta Doorashada Ee Magaalada Cadaado.

Wasiirka ayaa Wali Waxa uu ku Xiranyahay magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ah Ee Maamulka Gal-Mudug.

Gal-Mudug Wali kama aanay hadlin Xarigaan loo geeystay wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Gal-Mudug Waxaana Wasiirka la sheegay in uu ka xanaaqay Musuq maasuq la sheegay in lagu hayo Soo Xulista Xildhibaanada Aqalka Hoose Ee Gal-Mudug

PUNTLAND POST

The post Wasiir Ka tirsan Gal-Mudug oo Cadaado Lagu Xiray appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>