Garowe (Puntland Post):- Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sarre ayaa maanta daahfurtay Ololaha badbaadinta dadka ku cayroobay abaaraha ku dhuftay miyiga Puntland , Waxaana daahfuray barnaamijkan ololahaa masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Puntland.
Ujeedada barnaamijkan ayaa salka ku haya saddex arrimood oo ay ka mid yihiin , In Wasaaraddu muujiso kaalinta kaga aadan gurmadka abaaraha ka jira dalka,Sidii loogu aruurin lahaa goob kasta oo waxbarasho oo ku taala Puntland Cunto,Dhar,Gogol,Lacag iyo Wixii suurta gal ah iyo Wasaaraddu ka furto Gobol walba iyo Degmo kasta Akoono tababuracaad ah.
Dikreetooyin kazoo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ayaa lagu wargaliyay dhamaan masuuliyiinta goobaha waxbarashada ee magaalooyinka inay diyaariyaan qorshahan tababuracaad oo loogu gurmanayo boqolaal qoys oo ku barakacay abaaraha iyo Magacaabida Guddiga Arrimahaas uga shaqeynaya Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre ee Puntland.
Akhriso Dikreetadda Wasaaradda Waxbarashada.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo ku dhawaaqday ololaha gurmadka abaarta appeared first on Puntland Post.