Garowe (Puntland Post):- Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta Sare Dr Mohamed Cali Faarax iyo xubno kamid ah Guddiga Abaaraha Waxbarashada Sida Maxamed Jaamac Yuusuf Tigay ayaa saaka ardayda dugsiyada sare ee magaalada Garowe ku dhiiri galiyey inay ka qaybqaan abaaraha ka jira Puntland.
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sarre ayaa shalay daahfurtay baarnaamij ku saabsan Ololaha badbaadinta dadka ku cayroobay abaaraha ku dhuftay miyiga Puntland , wuxuuna salka ku hayaa ujeedada barnaamijkan saddex arrimood oo ay ka mid yihiin , In Wasaaraddu muujiso kaalinta kaga aadan gurmadka abaaraha ka jira dalka,Sidii loogu aruurin lahaa goob kasta oo waxbarasho oo ku taala Puntland Cunto,Dhar,Gogol,Lacag iyo Wixii suurta gal ah iyo Inay Wasaaraddu ka furto Gobol walba iyo Degmo kasta Akoono tababuracaad ah.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Maxamed Jaamac Yuusuf (Tigey ) oo saaka kumanaan ardey ah kula hadlay daabuurka Iskuulada Al-waaxa iyo Gambool ayaa ku dhiirigaliyay sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen abaaraha ku dhuftay dhulka miyiga, kuwaas oo ay ku barakaceen boqolaal qoys .
Masuuliyiintan ayaa geeyay xarumaha Iskuulada Akoonka loogu tala-galay Tababuracaadka loo fidinayo qoysaska reer miyiga ee dhibaatadu kazoo gaartay Abaaraha ka jira deegaanada Puntland.
Hoos ka daawo Sawirada
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Garowe oo maanta laga bilaabay ololaha gurmadka abaaraha Puntland appeared first on Puntland Post.