Wararka Naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Goordhow halkaasi uu ka dhacay Qarax Miino oo qasaare Geeystay.
Qaraxaan Ayaa waxaa la la eegtay Goob Maqaaxi Ah oo Ku Taala Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose oo ay Dadka ka Cunteeyaan.
Qaraxa ayaa ahaa Qarax Miino oo La sheegay in lagu Aasay Gudaha Maqaayada Xili Dadku Ay quraacanayeen.
Goobjoogayaal ayaa inoo Xaqiijiyay in ay Jiraan Dhimasho iyo Dhaawac inkastoo Aan Si rasmi ah loo Xaqiijin Karin Tirada Guud.
Dad badan oo Dhaawac ah ayaa la geeyay isbitaalka Guud ee Magaalada Kismaayo halkaasi oo hadda Xaaladooda Caafimaad lagu dabeebayo.
Faah Faahinta Dib Kala soco Insha allah
PUNTLAND POST
The post Qarax Qasaare Geeystay oo ka dhacay Maqaaxi Ku Taalo Kismaayo appeared first on Puntland Post.