Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Ergey lagu dilay hoolka doorashada aqalka hoose ee Cadaado

$
0
0

Garowe (Puntland Post):- Waxaa maanta lagu dilay banaanka goobta ay ka dhacayso magaalada Cadaado doorashada Aqalka Hoose ee baarlamanka Soomaaliya mid ka mid ah ergooyinka dooranaya Xildhibaanada.

Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya inuu dilkan geystay mid ka mid ah ciidanka Dowlada Soomaaliya gaar ahaan kuwa NISA  ka dib markii uu muran dhex maray Askariga iyo Marxuumka dhintay.

Lama sheegin magaca ergeyga la diley, iyo musharaxiinta ay dooran lahaayeen kuwa ay yihiin, waxaana ku sugan magaalada Cadaado cutubyo ka socda ciidanka Midowga Africa oo waardiye ka ah xarunta lagu qabanayo doorashada Aqalka hoose .

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.

The post Ergey lagu dilay hoolka doorashada aqalka hoose ee Cadaado appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>