Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Ciidamo Turki ah oo megengelyo waydiistay Jarmalka

$
0
0

Ciidamo ka tirsan militariga dalkaTurkiga ee ku sugnaa xarunta NATO ee dalka Jarmalka ayaa megengelyo weydiistay dalkaasi.

Ciidamadan oo ku sugnaa saldhig ku yaalla dhanka Koofur galbeed ee  dalka Jarmalka lama sheegin tiradooda iyo sabata ay megengelyada ay u weydiisteen Jarmalka.

Turkiga ayaa xiray kumannaan ka mid ahaa shaqaalaha dowladda ka dib markii uu dhacay afgembigii fashilmay ee bishii July.

Xiriirka Jarmalka iyo Turkiga ayaa sii xumaanayay tan iyo markii uu dhacay isku deyga afgembigaasi.

Jarmalka ayaa walaac ka muujiyay xarig wadareedka ay la kulmayaan dadka looga shakiyo inay afgembigaasi  dhicisoobay ku lug lahaayeen.

PUNTLAND POST

 

The post Ciidamo Turki ah oo megengelyo waydiistay Jarmalka appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>