PP- (JOWHAR) Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar Ee Xarunta Gobolka Sh/Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in iska hor imaad uu ka dhacay magaaladaasi.
iska hor imaadkaasi ayaa u dhaxeeyay Ciidamo uu wato wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha soomaaliya Wasiir Nuux iyo Ciidamada Ilaalada Xarunta Doorashada Magaalada jowhar.
Muddo Daqiiqado ah ayaa waxaa is weeydaarsanayay Rasaas Culus Ciidamada Wasiirka iyo Cidamada ilaalada.
wasiir nuux ayaa la sheegay in uu ka carooday qaabka ay u socoto doorashada magaalada jowhar ee Xarunta Gobolka Sh/dhexe.
Faah Faahinta dib Kala soco Insha allah Puntland Post
The post Wasiir weeraray Xarunta Doorashada Jowhar appeared first on Puntland Post.