Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa saacidii ugu dambeeysay waxaa ka dhacay Dilal Kala duwan.
Dilalkaan ayaa waxaa loo geeystay Ciidamo Katirsan kuwa dowlada iyo Dad Shacab Ah oo ku sugan Qaar kamid ah Xaafadaha Magaalada Muqdisho.
Koox Hubeeysan ayaa Degmada wada jir ku toogtay Qof Shacab ahaa oo la sheegay in uu Lixaadka la’aa sida wararka ay sheegeeyaan.
Sidoo kale Koox Hubeeysan ayaa Xaafada Suuqa Xoolaha Ee Muqdisho ku dishay Askari katirsanaa Ciidamada Dowlada Somalia.
Dhanka kale Koox ku hubeeysan Bastoolado Ayaa Degmada Hodan Gaar ahaan Xaafada Tarabuunka ku Dishay Askari katirsanaa Ciidamada Dowlada Somalia.
Xaaladahaam Amni Daro ee ku soo kordhay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ku soo beegmeeysaa xili Magaalada Muqdisho lagu wado in ay ka dhacdo Doorashada Madaxtinimo Ee Somalia.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho
The post Dilal Kala duwan oo Muqdisho ka dhacay appeared first on Puntland Post.