Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Hargeysa: Qoyska uu kasoo jeedo Ibraahim Afghan oo Tacsi Hargeysa ku sameeyey,Warbixin Xasaasi ah.

$
0
0

Hargeysa: (pp)- Warar horudhac ah oo ay shabakada Puntlandpost ka helayso Qoyska uu ka dhashay Ibraahim Afqaan oo ka mid ahaa Madaxda ugu sareysa Ururka Alshabab Tacsi loogu sameeyey Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland ka dib markii uu hogaamiyahan dilay sida la sheegey Axmed Cabdi Godane oo horjooge ka ah isla Ururkaasi Alshabab.

Marxuum Ibraahim Afghan ayaa tacsida qoyskiisa ay ugu sameeyeen Hargeysa ay noqoneysaa mid xaqiijinaysa geeridiisa ka dib markii maalmahan ay soo baxayeen warar is khilaafsan oo sheegayey in lagu diley hogaamiyahan Amar kasoo baxay Horjooge Axmed Godane.

Geerida Ibraahim Afghan ayaa ka danbeysay ka dib markii xubno sar sare oo ka mid ahaa Alshabab kana soo horjeeday Hogaamiyaha Alshabab qaarkood Ciidamada Amniyaadka ee ka amar qaata Godane ay ku qabteen Degmada Baraawe .

Waxaa sidoo kale ka mid ahaa xubnaha la dilay C/xamiid Xaashi Colhaye (Macalim Burhaan) oo ka mid ahaa xubnihii ka baxay garabka hogaamiyaha Al Shabaab Axmed Godane, waxaana labadan nin ka mid ahaayeen kuwii lagu qabtey weerarkii Godane ku qaadey Baraawe xilli ay halkaas ku sugnaayeen Saddex ka mid ah kuwa sida weyn uu u baadi goobayey Godane, oo kala ah Shiikh Xasan Daahir , Mukhtar Robow iyo Ibrahim Afghan.

19 June xubno ay ka mid yihiin Ibraahim Afghan , Shiikh Xasan Daahir Aweys , Mukhtaar Roobow Abuumansuur iyo Xubno kale oo kulan ku lahaa Degmada  Baraawe ay soo weerareen ciidamo si toos ah uga amar qaadanayey Godane oo beegsanayey sidii ay ugu soo gacan galin lahaayeen ragan kasoo horjeestey Godane.

Taariikhda Afghan iyo Macalinku ay ku lahaayeen Alshabab.

Magaca looga yaqaaney Gudaha isla kooxda uu ka midka ahaa ee Alshabab ayaa ahaa Abuubakar Al-Saylici, halka Magaciisa ay ku yaqaaneyn Qoyskiisa iyo Qaraabadiisu uu noqonayo Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad , balse Somalida ayaa iyana tan iyo markii lagu bartey inuu ku jiro liiska Argagixisada ee ay raadinayeen Dowladaha Mareykanku ka mid yahay ayaa loogu yeeri jirey Ibraahim Afghan oo loola jeeday magaca danbe ee Afghan in uu yahay mid kasoo jeeda Dalka Afghanistan oo sida la sheegey Dagaalo iyo Tababaro uu uga soo qeyb galay ka hor intii uusan kusoo biirin Hogaamiyaha Alshabab ee Dalka Somalia.

Ibrahim Afghani oo lagu tilmaami jiray xubnaha ugu waayo aragsan Ururka AL Shabaab waxa uu ka mid ahaa kuwa Dowlada Mareykanku ku dooneysay oo madaxooda ay dul dhigtey lacag gaareysa 5 milyan oo dollar, wuxuuna ahaa xubin xiriir toos ah la leh Urur weynnaha Al-qaacida iyo kooxaha kale ee Jihaadiyiinta Dunida ka dagaalama, wuxuuna ahaa nin si weyn u aaminsan Jihaadka Caalamiga ah.

Sidoo kale Sarkaalka lala dilay Ibraahim Afghan oo magaciisu yahay Macalim Burhaan ayaa isagu ka mid ahaa xubnaha sida weyn uga qeyb qaadan jirey wacyi galinta dhalinyarada kusoo biireysa Alshabab, iyadoona la aaminsan yahay inuu ka mid ahaa xubnihii sida weyn uga qeyb qaadan jirey dhalintii kasoo tagtey Wadamada reer Galbeedka iyo Yurub ee kusoo biirey Alshabab.

Ugaarsiga u dhexeeya Hogaamiyaasha Alshabab.

Hogaamiyaha Alshabab Axmed Cabdi Godane oo markii hore isku dayey inuu qariyo dilka uu ku fuliyey Xubnaha labada ah ayaa la sheegey inuu soo shaac baxay ka dib markii saraakiil ka tirsan ciimada Alshabab ku wergaliyeen qoysaskooda niman in la dilay.

meelaha laga ogaadey Isku dayga Godane ku doonayey in la qariyo geerida ragan ayaa waxa ka mid ahayd ka dib markii la helay Amaro uu dul dhigey warbaahinta Alshabab oo uu ka mamnuucayey inay ka hadlaan howl-galkii ciimada amniyaad ee godane ka amar qaata ka fuliyeen Degmada Baraawe.

Dhanka kale  Godane ayaa ku dhici waayey inuu amaro dil ah ku fuliyo xubno kale oo uu ku jiro Mukhtaar  Roobow Abu mansur oo la sheegey inay is hortaageen in la dilo Maleeshiyaadka kasoo jeeda beeshiisa oo ku badan sida la rumeysan Ururka Alshabab, taasi oo ka dhigeysa xukunka ku dhacay Ibraahim Afghan looma ooyaan kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee loo yaqaano Somaliland.

Inkastoo wararka saacadihii u danbeeyey oo ay hesho Puntlandpost.com ay sheegayaan in xubno uu hogaaminayo Mukhtaar Roobow Abuumansuur oo hada ku sugan deegaano ka tirsan Gobolka Bay laga yaabo maalmaha soo aadan oo ay iska soo dhiibaan Magaalada Baydhabo oo hada gacanta ugu jirta DF Somalia.

Hadii ay rumowdo in Mukhtaar Roobow isna uu iska dhiibo Baydhabo , Xasan Daahir Aweysna sida lala socdo uu iska dhiibayo Magaalada Muqdisho oo hadda shirar uu kula leeyahay Degmada Cadaado Wafti Dowlada DF Muqdisho uga soo dirtey calaamad ama sawir ceynkeeya ayay muujin karaan isdhibitaankooda aan waxba kala horeyn doonin.

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu Godane fuliyo talaabo saameyn toos ah ku reebta Alshabab , iyadoo ay ka horeysay dilalka uu u geystey labadii xubnood ee magacyadooda la shaaciyey uu ka horeyey dil lagu fuliyey Sarkaal Ajnabi ah oo la yiraahdo Al Amriki , Inkastoo xukunka Al Amriki dib laga soo beeniyey oo la sheegey inuu nool yahay dhowr marna uu iska caabiyey weeraro kaga yimid kooxda amniyaad ee Godane majaraha u hayo.

Abu Mansuur Al Amriki ayaa wararku sheegayan inuu ku jirey xubnihii dhawaan lagu weearey Baraawe balse isagu ka mid ahaa ragii watey Maleeshiyo uu kula gadaalamey ciidamadii Godane, waxaana la sheegey inuu hada ku nool yahay dhul keymo ah oo uu difaac kaga jiro, isaga oo arrinka uu ku sugan yahay lagu tilmaamey inuu yahay ( Cidna uma maqna Ceelna uma Qodna).

Gudaha Kooxda ayaa laga dareemayaa cabsi iyo kala shaki soo dhex galay , kuwaas oo wararku sheegayaan in saraakiisha ka tirsan uu mid walba waardiye gooniya iska hayo, madaama laga yaabo sii socoshada xukumada dilka ee uu ku dhaqaaqey Hogaamiyaha Alshabab saameyn ku yeeshaan rag badan oo ka mid ah Madaxda Ururka.

Talaabada uu Godane ku dhaqaaqey ayaa noqoneysa mid ku cusub gudaha kooxda , waxaana ay ka danbeysay ka dib markii khilaafka u dhexeyey hogaamiyayaasha kooxdan uu gaarey meeshii ugu liidatey Abid oo lasoo darista Alshabab.

Waa Su,aal isweydiin mudan iyada oo la ogsoon yahay halka uu salka ku hayo khilaafka Alshabab u dhexeeya oo ah sii haynta mudada xukunka ee Hogaamiyaha Alshabab ma beenin kartaa kolka dhalinyaro badan oo ay awalba kusoo ka xeysteen inay jihaad alle u dagaalamayaan inay u muujiso sawir ka bedelan midkii horey loogu soo ka xaystey madaama jihaadkii la shegayey xukunka k deg iyo ka degi maayo uu burbur qarka usoo saarey kooxdii dhameyd !.

Kooxda Alshabab ayaa iyadu khilaafka u dhexeeya Madaxdeedu uu noqdey mid raad ku reebey ka dib markii laga qabsadey Gobolo badan oo ku yaal Koonfurta Dalka Somalia oo ay kasoo talinayeen in ka badan 5-tii sano ee lasoo dhaafey, waxaana markii ay isugu aruureen tuulooyin iyo degmooyin yar yar oo uusan dhaqale uga soo xaroon isku qabsadeen hogaaminta kooxda iyo dhaliilo ay isu soo jeediyeen, islamarkaana Aakhirkii sababey ugaarsi ka dhex bilowda Madaxda hogaamineysay howl-galka Alshabab Somalia ka waday.

Puntlandpost.com
Editorial Office.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>