Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wareysiyo: Ciidamada jubaland oo kismayo howl-galo ka bilaabaya iyo Siyaasiin Eedeyey DF Somalia.

$
0
0

Kismaayo: (pp)- Ka dib shaqaaqo kooban oo maanta mar kale ka dhacdey magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada hoose ayaa xaaladeedu iminka ay tahay mid degan sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Odoyaasha iyo Maamulka Jubaland.

Shaqaaqooyinka Kismaayo oo ahaa kuwo is xig xigey labadii maalmood ee ugu danbeyey ayaa sida la sheegey waxa ay ka danbeysay ka dib markii kooxo Maleyshiyo ah oo uu Maamulka Jubaland ku eedeyey inay yihiin kuwo laga soo direy Muqdisho ay isku dayo sameynayeen, kuwaas oo sida la sheegey xataa rasaas iyo rabshado kala hor yimid Ciidamada Nabad Ilaalinta ee Kismaayo ku sugan.

Dhageyso Wareysi Siyaasi Dhuubane si kulul ugu eedeynayo Madaxweynaha DF Somalia.

Sarkaal ka tirsan Maamulka Jubaland oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegey inay qorsheynayaan sidii ay kusoo afjari lahaayeen maalmaha soo socda dad uu ku eedeyey inay yihiin nabad diid laga soo taakuleynayo Magaalada Muqdisho.

Dhanka Kale waxaa ka mid ahayd dhacdooyinkii Kismaayo ee maanta ka dhacay Bam gacmeed lagu weerarey Ciidamada AMISOM ee ka hawlgala Kismaayo, waxaana uu sheegey Sarkaalkan oo lagu magacaabo G/dhexe Cabdi Xasan inay iska difaaceen ciidanku kooxda soo weerartey islamarkaana ay dileen tiro dhowr oo ka mid ah halka ay qabteen tiro kale oo hada lagu hayo saldhigyada ciidanka.

Dhageyso wareysiga Sarkaalka Ciidamada Jubaland ka tirsan

Gaashaanle Cabdi Xasan waxa uu sheegey inaysan jirin wax wada hadal ah oo hada laga dhex sameynayo Maamulka Jubaland iyo Col Bare Hiiraale oo maalmihii lasoo dhaafey warar soo baxaya lagu tilmaamey in Odoyaal iyo Waxgarad dadaal ugu jiraan wada hadalsiintooda.

Gabo gabadii G/Dhexe Cabdi Xasan Maxamud waxa uu carabka ku dhuftey in Maamulka Jubaland uu yahay mid taageero weyn ka haysta dadka deegaanka u dhashey Sidoo kalena leh Awood Ciidan oo ay u adeegsan karaan xasilinta deegaanka iyo ka hortagida kooxaha Abaabulan.

Puntlandpost.com
Kismaayo.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>