Garowe: (pp)- Ururka Wadajir oo ka mid ah Ururada Siyaasada ee ka jira Deegaanada Puntland ayaa 27 june 2013 taageerayaashiisu sameeyeen ololaha banaanbax ay ku dalbayaan in Bulshada reer Puntland codkooda ku siiyaan musharaxiinta ururka uga qeyb galaysa tartanka goloyaasha deegaanka oo la filayo inay Puntland ka bilowdaan 15 bisha July 2013.
Khubado ay taageerayaasha Ururka u jeediyeen xubno ka tirsan Madaxda Ururka Wadajir ayay ku codsadeen in codkooda ay ugu deeqaan, iyagoona sheegey in taasi ay noqoneyso hadii bulshada ay ka helaan mid u noqon doonta isbedel u horseedeysa mustaqbalka ururka oo lagu guuleystey.
Urur Siyaasadeedka Wadajir waxa uu ururada kale ee Puntland ka jira kaga bedelan, iyadoo Ururkan ay madax u tahay Qof Haweeney ah ayaa uu muujinayaa Sawir ku saabsan in kaalinta siyaasada haweenka ee Puntland laga qeyb galiyey, taasi oo la oran karo waa Urur siyaasadeedkii ugu horeeyey oo Somalia ka dhisma oo ay Madax ka noqoto Qof Dumar ah.
Sacdiyo Shiikh Xaamid Waxay ka mid tahay xubnaha Ururka Wadajir waxay ku sheegtey khudbad taariikhi ahayd oo ay kasoo jeedisey halka ay caanka Garowe ku tahay ee loo yaqaan Barxada oo isu soo baxa Taageerayaasha Ururka ay khudbadaha looga soo jeediyey ayay ku sheegtey inay ka mid ahayd xubnaha u shaqeyn jirey hay,addaha ee qaadan jirey bil walba lacag badan balse taas bedelkeeda ay ka door bidey inay u shaqeyso wadankeeda.
Sacdiyo waxay carabka ku dhufatey in nidaamkan uu qeyb ka noqon doono sida lagu rajo weyn yahay mid u horseeda deegaanada Puntland fursad uu siiyo dad badan oo la ciil qabey in mudo ah codkooda inay ku doortaan shaqsiga ay doonayaan iyo kan ay diidan yihiin, waxaana ugu soo horeysa codeynta dadweynaha kuwa ay ku tartamayaan goloyaasha degmooyinka Puntland.
Saleebaan Maxamed oo ka mid ah isna xubnaha Ururka Wadajir ugu sharaxan inuu uga qeyb galo tartanka Goloyaasha deegaanka ayaa ka codsadey taageerayaasha Ururka iyo Bulshada reer Garowe inay codkooda ku siiyaan si saaxiibtinimo isaga oo taas daliil uga dhigey inuu yahay shaqsi mudo kusoo dhex jirey bulshada nooc walba ay leedahay islamarkaana aan wali laga helayn wax mugdi galin kara saaxiibtinimo dhow oo uu sheegey inuu lasoo lahaa shacabka uu ku dhex noolaa.
Sida Sharcigu dhigayo Ururada Siyaasada Puntland ayaa loo asteeyey inay yeeshaan maalmo ay goobo fagaare ah oo ku yaal magaalooyinka Puntland kula hadli doonaan taageerayaashooda oo ay ka codsanayaan sidii ay qeybaha shacabka uga heli lahaayeen kalsoonida codka ay ku siinayaan musharaxiinta uga qeyb galaysa urur walba Tartanka Goloyaasha Deegaanka.
Subaxnimada hore ee maanta ayaa lagu wadaa in Ururka UDAD uu isna taageerayaashiisa kula hadlayo fagaarihii shalay ee barxada garowe, waxana ay masuuliyinta Ururka UDAD U sheegeen puntlandpost in ay haystaan taageerayaal ka badan ururada kale ee siyaasada.
Inkastoo ay jiraan dad dhaliilsan nidaamka hada ay wax ku soconayaan ayaa haddana ay muuqataa inuu yahay barnaamijka la xiriira Dimuqraadiyeynta puntland mid ku cusub bulshada Puntland , waxaana jirtey baryihii u danbeyey hadal xoogan oo ay kaga soo horjeedaan xubno diidan waqtigan inuu hirgalo oo codkooda ku sheegayey inay istaagi doonaan hadii baaqyadooda dhagaha laga fureysto,balse dhanka Xukuumadu ay dhagaha ka fureysatey hadalada ay jeedinayaan xubnahas.