Muqdisho: (pp)- Casho sharaf loo sameeyey Gudoomiyaasha baarlamaanada Puntland iyo Galmudug oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxaa kasoo qeyb galay xubno ay ka mid yihiin Madaxweynaha DF Somalia, Gudoomiyaha Baarlamanka iyo Xubno kale oo ka mid ahaa xillibaano safarka ku wehlinayey Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland iyo Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug.
Ka hor intii aysan bilaabmin casho sharafta ayaa waxaa waftiga ka socdey Puntland iyo Galmudug kulan ay la qaateen Madaxweynaha DF Somalia iyo Gudoomiyaha baarlamanka Maxamed shiikh Cismaan Jawaari, iyadoona kulanka uu soo gaarey ilaa xilligii cashada loogu talo galay waftiga oo ay masuuliyiintu dhamaan ay soo wada xaadireen miiska cashada.
Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland iyo Gudoomiyaha Barlamanka Galmudug ayaa safar ku tagey magaalada Muqdisho labo maalin ka hor waxaana socdaalkoodu uu ka danbeeyey ka dib markii ay caasumaad uu usoo gaarsiiyey Gudoomiyaha Baarlamanka DF Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo ka dalbadey inay muqdisho kusoo booqdaan.
Casho sharafta xalay loo sameeyey masuuliyiintan ka tagey Puntland iyo Galmudug oo ay safarkooda ku wehlinayaan xubno xillibaano oo ka tirsan Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa ka horeeyey kulamo ay shalay xafiiskiisa kula yeesheen Gudoomiyaha Baarlamanka DF Somalia Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo isagu uga mahad celiyey sida ay uga soo jawaabeen codsigii uu u direy.
Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlada Puntland oo xalay ka hadlay munaasabadii casho sharafta ee loo sameeyey ayaa uga mahad celiyey soo dhaweynta wanaagsan ee uu kala kulmey isaga iyo waftigii uu hogaaminayey magaalada Muqdisho, isagoona sheegey inay jiri doonaan kulamo ay wada qaadanayaan saaxiibadiisa ku jira Madaxda Baarlamanka Somalia iyo Xillibaanada oo ay wax kala kordhisanayaan.
Casho sharafta oo aheyd mid uu soo qaban qaabiyey Gudoomiye Maxamed Shiikh Cisman Jawaari ayaa waxaa ka horeysay kulan uu xafiiskiisa xubnaha kula yeeshey kaasi oo ahaa soo dhaweyn iyo is xog wareysi dhex marayey xubnaha uu Muqdisho marti qaadka uu ugu sameeyey.
Waa Markii ugu horeysay oo xubno ka tirsan Baarlamanka Puntland ay tagaan halkaasi , kuwaas oo caasumaad ka hela Madaxda DF Somalia gaar ahaan dhigooda baarlamanka ku jira.
FG: waxaa labo qeybood oo kala ah midda hoose iyo tan qoraalka ku muujisan aad ka daawan kartaa sawirada.
Daawo Inta kuu dhiman sawirada Casho sharafta ee aan qoraalka ku dhex jirin.
Daawo Sawirada Kulamadii shalay ka dhacay Xafiiska Gudoomiyaha.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Muqdisho.