Nairobi: (pp)- Warsaxaafadeed laga soo saarey xafiiska Madaxweynaha Puntland oo hadda ku sugan isaga iyo wafti uu hogaaminayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa looga hadlay dhowr qodob oo ay ka mid yihiin Dagaalada Kismayo ka dhacaya, Nidaamka Asxaabta badan ee ka bilowday deegaanada Puntland iyo Taageerada Beesha Caalamku siiso Dowlada Puntland.
Warsaxaafadeedka oo intiisa badan lagaga hadlay nidaamka dimuqraadiyeynta Puntland iyo Marxalada uu galay xilligan oo ah mid mareysa isu soo baxyada Ururada siyaasadu maalmihii lasoo dhaafey ay ka wadeen deegaanada Puntland.
Akhriso Warsaxaafadeedka qeybta laga hadlay Dimuqraadiyaynta Puntland.
Dowladda Puntland waxay si weyn usoo dhowaynaysaa raalina ka tahay bilowga isu soo baxa Ururada Siyaasadeed ee ka diiwaangashan deegaanaada Dowladda Puntland.
Dowladdu waxay taageeraysaa isu soobax nabadeed oo ay qaban qaabiyaan Ururada Siyaasadeed oo ka bilawday deegaanada Puntland June 27, iyadoo ay Ururada Siyaasadeed tartan ugu jiraan in ka badan 700-kursi ee tartanka doorashada Golayaasha Deegaanka Puntland oo ku beegan July 15.
Dowladdu waxay damaanad-qaadaysaa mowqifkeeda magacaabista afarta Garsoore cusub ee Maxkamada Dastuuriga ah ee Puntland, iyadoo la ansixiyay Xeerka Maxkamadda Dastuuriga, magacaabista afarta Garsoore cusub-na waxaa lagala tashanayaa Bulshada Rayidka ah, iyadoo la dhamaystiri doono dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah doorashada Golayaasha Deegaanka ka hor.
Dowladdu waxay hoosta ka xariiqaysaa mowqifkeeda ku aadan qabsoomida doorasho ku dhacda nabad iyo nidaam, waxayna Dowladdu ugu baaqaysaa Shacabka Reer Puntland oo nabadda jecel inay Sooomaaliya iyo Dunida-ba u muujiyaan taageeridda nidaamka Asxaabta badan iyo Doorashooyinka xorta ah ee Puntland.
Saxaafada oo Codsi loo jeediyey.
Puntland ayaa waxaa ka jira in badan 10 idaacadood , Tv-yada Somalida oo iyana xarumo iyo wakiilo uga joogaan deegaanada Puntland oo ay badana wararka uga soo tabiyaan , sidoo kale waxaa jira wariyayaal u shaqeeya websit-yada goobaha war laliska ee Internet-ka iyadoona ay ka jiraan sidoo kale wargeyso kazoo baxa magaalooyinka Puntland ayaa warsaxaafadeedka xafiiska madaxweynaha Puntland laga soo saarey lagu soo hadal qaadey.
Dowladdu waxay ku boorinaysaa Saxaafadda madaxbanaan ee Puntland inay hormariyaan nidaamka Asxaabta badan, waxayna ku dhiirigalinaysaa Ururada Siyaasadeed inay xor u yihiin isticmaalka Warbaahinta Dowladda Puntland.
Beesha Caalamka iyo Doorka Dimuqraadiyeynta Puntland
Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale waxaa Puntland ay soo dhaweyn iyo hambalyo bogaadin ah ugu dirty taageerada beesha caalamka ama doorka ay ka ciyaarto nidaamka la doonayo in laga hirgaliyo deegaanada Puntland ee la xiriira Asxaabta badan.
Waxaana jirtey kulan uu Madaxweynaha Dowlada Puntland sida aad ka arkeysaan-ba sawirada muuqaalka ah uu kula qaatey Nairobi xubno ka tirsan beesha caalamka.
Dagaalada Kismaayo.
Gabo gabadii warsaxaafadeedka ayaa Dowlada Puntland waxay ugu baaqdey dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Kismaayo inay si deg deg ah u joojiyaan dagaalka iyo colaada ayna taas bedelkeeda qaataan nabadeyn iyo wada hadal u furma kuna wajahayaan mustaqbalka Jubaland.
Daawo Sawiro kale oo Kulanka Nairobi ku saabsan
Nairobi.