Shiikh Xasan Daahir Aweys oo xalay Muqdisho laga soo dejiyey ayaa wararka aanu ka helayno nabad sugida DF Somalia ay sheegayaan inay xabsiga u taxaabeen wadadka oo mudooyinkii lasoo dhaafey ka tirsanaa liiska Argagixisada islamarkaana xubin ka ahaa Madaxda Ururka Alshabab.
Xasan Daahir Aweys ayaa la sheegey in xariga DF ku sameysay ay la wadaagaan xubno kale oo ku wehlinayey safarka, kuwaas oo kasoo raacay Degmada Cadaado oo ay xubnaha uu ku jiro Xasan Daahir kala kulmeen intii ay joogeen soo dhaweyn balaaran oo uu u sameeyey Maamulka Xibin iyo Xeeb.
Ma jirto Faahfaahin dhameystiran oo DF kaga hadlayso xariga Shiikh Xasan Daahir marka laga reebo in warkan saxaafada ay u xaqiijisey Warbaahinta ku hadasha Afka DF Somalia.
Shiikh Xasan Daahir Aweys wuxuu ka mid ahaa hogaamiyaha Ururka Alshabab oo iyagu loo aaneynayo inay geysteen falal danbiyeedyo cul culus oo ka dhacay gudaha dalka Somalia, waxaana xarigiisu uu kusoo beegmayaa xilli dad badan oo Somalida ka mid ah sida ay DF ula dhaqmi doonto hogaamiyahan Alshabab kasoo goostey.
Faahfaahinta Xasan daahir Xabsiga lagu geeyey kala soco Puntlandpost.com