Kismaayo: (pp)- Saaka aroortii oo ay Xabado ka bilowdeen Dalcada Kismaayo oo ay isku aruursadeen maleeshiyo iyo kooxo la siyaasad ah Alshabaab ayaa si xoog ah looga saaray, waxaana maleeshiyaadkaasi hogaaminayey Col. Barre Hiiraale iyo Baasto.
Dagaalkaas saaka ka qarxay Dalcada ayaa socday mudo lagu qiyaasay 40 Daqiiqo, waxaana la sheegayaa in dagaalkaas ay isku soo dhiibeen maleeshiyo taageersanaa Bare Hiiraale iyo Baasto, halka kuwo kale ay dagaalkaas ku geeriyoodeen.
Maamulka Jubbaland , saraakiisha dagaalka hogaaminaysa ayaa shaaca ka qaaday in hada ka baadi goobayaan magaalada Gudaheeda maleeshiyaadkii dagaalkaas ka qayb qaatay oo Xaafadaha ku jira iyagoo dhaawac ah, kuwaas oo qaba dhaawacyo culus , ayna doonayaan inay geeyaan goobaha Caafimaadka si loo daaweeyo.
Shacabka magaalada Kismaayo ayaa waadooyinka isugu soo baxay kaddib markii laga guulaystay maleeshiyaadka mudada bisha ahayd Qaska ka waday magaalada Kismaayo, waxaana shacabku ay ku qaylinayeen erarooyin ay ka mid ahaayeen, ” Guul Jubbaland State, hadhoco Df ee Soomaaliya ee hogaaminayo Xasan Sheekh” iyo erayoyin la mid ah.
Saraakiisha Jubbaland ayaa Idaacada kala hadlay shacabka , iyagoo u sheegay in ay is xasiliyaan , xaqiijiyeyna in kaga guulaysteen kooxihii qaswadeyaasha ahaa ee dagaalada ka abuuray magaalada Kismaayo.
Sikastaba, dagaaladii ka socday guddaha magaalada Kismaayo ayaa la xaqiijiyey in ay gadaal ka riixaysay DF ee Soomaliya, isla markaana lacago xoogan oo gaaraya boqolaal kun ay usoo xawishay magaalada Kismaayo, si ay Barre Hiiraale iyo raga la siyaasada ah ay ugu gataan Tikniko, dhaqaale u siiyaan maleeshiyaad u dagaalanta.
Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa ku fashilantay falalkaas ay ka soo shaqaysay , waxayna dagaal la gelisay dhalinyaro yar yar oo soomaaliyeed , si ay uga qayb qaataan dagaalo lagu majaxaabinayo dowlad goboleedka Jubbaland State.
Puntlandpost, Kismaayo; Jubbaland