Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe: Urur Siyasadedka Horcad oo tagerayashiisa iyo Dadweynaha kula hadlay fagaaraha Barxada,Sawiro.

$
0
0

Garowe: (pp)- Urur siyaasadeedka Hormarka iyo Cadaalada Puntland ee HORCAD ayaa maanta 30 June,2013 banaanbixiisii kowaad ku qabsaday Puntland,iyadoona ay isku soo baxeen taageerayaashiisu fagaarayaasha magaalooyinka.

5Banaanbixii HORCAD ee Garowe ayaa ka dhacay barxadda magaalada ,waxana halkaasi dadwaynihii ka soo qayb galay kula hadlay qaar ka mid ah masuuliyiinta Ururka oo hoosta ka xariiqey inay diyaar u yihiin isbadal dhab ah oo Puntland ka dhaca.

Yuusuf Bashiir Nuur oo ka mida xubnaha u sharaxan golaha deegaanka ee urur siyaasadeedka Horcad ayaa taageerayaasha u sheeagay in ay wax badan u qaban doonaan hadii ay door taan codkoodana siiyaan doorashooyinka golayaasha deegaanka ee la qorshaynayo 15 July,2013.

4Maxamed Khaliif cawil ayaa shegay in urur Horcad uu u arko in cadaaladu tahauy wax walba asaaska u ah Sahuur Xaashi Maxamed oo ka mida xubnaha golaha dhexe ee ururka ayaa sheegtay in ururuka HORCAD uu mudnaan gaar ah siin doono gabdhaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Ugu danbayntii ayaa waxa soo xiray gudoomiyaha ururka HORCAD ee gobolka Nugaal Axmed Cali Faarax oo taageerayaasha u sheegay in ururku uu soo xulay dadka u sharaxan golayaasha deegaan dad dhalinyaro ah aqoona leh isgoona sheegay %40 ay haween yihiin.

10Isu soo baxan uu maanta sameeyay ururka HORCAD ayaa dabo socda kuwo la mida oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ururada siyaasada Puntland ay ka sameeyeen magaalooyinka kala duwan ,waxana ay qayb ka ahaayeen ololaha ay ugu jiraan doorashooyinka deegaanka ee soo socda.

Daawo sawiro kale.

HORCADE4 HORCAD8 13 9 11 8 7 12 HORCAD9 2 3 5 6 1Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com

Garoowe.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>