Tan iyo intii Deegaanka Cadaado ay ku sugnaayeen Xasan Daahir Aweyn iyo maleeshiyo taageersan iyo masuuliyiin & kaano qabiilo loo diray in Xasan Daahir soo gacan geliyaan ayaa markii Xamar la keenay waxaa la wareegay ciidamo khaas u tababaran oo la sheegay in ay leedahay DF ee Soomaaliya, laakiin sida jirta ciidamadaas ay mushaarkooda bixiso Dowladaha soomaaliya taageera , isla markaana ka amar qaata dowladahaas.
Xasan ayaa la sheegayaa in markii garoonka la keenay ay la wareegeen ciidamadaasi, kaddibna la isku qabsaday, waxaana la sheegayaa in Xasan iyo ragii la socday lala dhaqaaqay , kuwii isku dhejiyeyna loo geystay jir dil iyo Xabis.
Odayaasha ka qayb qaatay keenista Xasan Daahir Aweyn oo maalmo ka hor la kulmay Madaxweynaha ayuu ka balan qaaday inay wanaajinayaan Xasan Daahir , dowladana ay la wareegayso ammaankiisa iyo noloshiisa, caalamkana ay dowladu ka dhaadhicinayso inay iyagu maxkamadaynayaan, laakiin markii Muqdisho la keenay Xasan Sheekh iyo Odayaashii soo xerageliyey Xasan Daahir ay meesha ka waayeen wixii lagula balamay.
Waxaa soo baxaya mar hadii arrinku uu sidaas balan ka bax ay meesha ka dhacday in la kala fogaaday oo Xasan Sheekh Odayaashii uu heshiiska la galay ay u arkaan nin khaa’in ah oo aan masuuliyad darro ay meeshaas ka dhacday
Waxaa is bedelay wejigii siyaasadeed ee u dhaxeeyey Odayaasha iyo Xasan Sh. Maxamuud, waxaana meesha ka soo baxaya in madaxweyne Xasan uu taariikh mugdi ah faraha la galay hadduu ku fashilmo kiiska Xasan Daahir Aweys iyo ballanqaadkii uu la sameeyey Odayaasha.
Dadka Soomaaliyeed badankood ayaa qaba in Xasan Daahir Aweys uu yahay Danbiile dagaal, laakiin Diinta Islaamka markii la raaco ay khalad tahay in gacanta loo geliyo dad Gaalo ah waa dhanka shareecada marka laga fiiriyo, waxaana Kiiska Xasan noqon karaa mid aad u culus , ma soomaali baa xakumanaysa mise reer Galbeed???. Waa arrin culayskeeda leh, waana meesha Xasan Sheekh uu ku noqon karo nin masuul ah ama khaainul wadan khiyaameeyey dad Soomaaliyeed uu madaxweyne u yahay.
Puntlandpost.com