Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Dhageyso: Beesha Xasan Daahir Aweys oo Digniin Culus u jeedisey DF Somalia,Warbixin+Cod.

$
0
0

Muqdisho: (pp)- Bayaan laga soo saarey kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen xubno ka tirsan beesha habar gidir ee hawiye ayay uga hadleen Mustaqbalka Shiikh Xasan Daahir Aweys , iyagoona ku eedeyey Madaxda Df Somalia inay uga baxeen balan-qaadyo odoyaasha beesha ay la galeen ka hor intii aan Xasan Daahir iyo Xubnihii la socdey laga soo ka xeyn Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Talaabada DF Somalia ay ku go,aamisey in Xasan Daahir xabsiga loo dhaadhiciyo ayay ku sheegeen inay ahayd mid qaldan oo ay Dowladu ku talaabsatey, iyagoona intaas dabo dhigey in aan la aqbali karin dhaqanka lagula dhaqmey wadaadka iyo xubnihii diyaarada la saarnaa markii ay kasoo dageen Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Halkan ka Dhageyso Khudbadaha Odoyaasha iyo Waxgaradka Beesha Habar-gidir.

Bayaanka Beesha kasoo baxay ayaa lagu sheegey qaabka loola dhaqmey Xasan Daahir inuu yahay mid kala fogeynaysa kalsoonida Dowlada uu madaxda ka yahay Xasan Shiikh Maxamud iyo Beesha uu kasoo jeedo Wadaadkan mayalka adag ee ku jirey sanadihii lasoo dhaafey Ururka Alshabab.

” Dowlada iyadaa gacanteeda ku abuuraneyso kalsooni daro na soo kala dhexgeli doonto,Waxaan si gaar ah arrintan ugu lug lahaa wasiirada kala ah wasiirka arrimaha gudaha iyo wasiirka gaashaandhiga labadaasi oo si fool xun noola dhaqmay” ayuu yiri Ahmed Diiriye.

Odoyaasha ka hadlayey bayaanka kasoo baxay beesha habar gidir oo ahaa kuwo caan ah oo si weyn looga dhex yaqaan beelaha Hawiye mudooyinkii u danbeeyey-na ahaa afhayeeno u hadla Xafiiska Madaxweynaha DF xilligii uu ku howlanaa burburinta Maamulka Jubaland ayaa hadda u muuqanaya kuwo shaashada durba looga arkey isbedel ay kaga hor imaanayaan DF Somalia.

Axmed Diiriye oo isagu sheegta inuu yahay Afhayeenka Beelaha Hawiye kana mid ahaa xubnaha Dowlada Federalka ku dhaliiley wadada ay u martey gacan galinta Xasan Daahir ee ciidamada Sirdoonka ayaa si kulul u sheegey inay kula kulmeen gudaha Garoonka Muqdisho xalay fiidkii markii ay kasoo dageen jirdil iyo wax aysan fileyn , taasina ay ula muuqato hagar daamo lagu sameeyey Odoyaasha iyo Wadaadka ay lasoo galeen balan-qaad markii hore ay la galeen Xubno uu ka mid yahay Madaxweyne Xasan Shiikh oo ay hadda ku eedeynayaan inuu uga baxay balankii Xasan Daahir Muqdisho ugu soo safriyeen.

” Xasan Dahir ma aysan ahayn in laga faa,iideysto islamarkaana lagu xadgudbo isaga oo ah nin hogaamiye ah oo magac iyo sharaf-ba ku dhex leh beelaha Somalida, waxaana u sheegeynaa DF Somalia inuu ka dhashey beel lafdhabar u ah Dowlada cidii ka naxaysana iyaga ayay jirtaa” ayuu yiri Axmed Diiriye oo si aad ah hadalkiisa looga dareemayey caro xoogan.

Dhanka kale xubnaha bayaanka kasoo baxay beesha habar gidir ka hadlay waxaa ka mid ahaa Yuusuf Indhacade kana mid ahaa xubnihii Xasan daahir kasoo waday Degmada Cadaado, isagoona sheegey in aan la shafrin dadkii iyo Madaxdii keentey Xasan Daahir Aweys, wuxuuna carabka ku dhuftey inay dowladu meesha ka baxayso hadii aysan talaabada ay qaadatey si deg deg ah raali galin iyo Xasan Daahir dib ugu soo celin Odoyaasha iyo Waxgaradka beesha oo Muqdisho kala kulmey xurmo daro.

” Dowlada waxay ku xadgudbeysaa sharciga dalka uyaal. Haddii aysan sharciga xushmeyn waxaan idin sheegayaa inay dowlada meesha ka bixi doonto,Dowlada shalay iyadaa noo dirtay ninkaasi markii aan keenay inay xiraan ma ahan mid la yeelayo.” ayuu yiri Gen, Yusuf Indhacade.

Bayaanka kasoo baxay Beesha Habar gidir oo uu kasoo jeedo Xasan Daahir Aweys ayaa la saadaalinayey inuu imaanayo marka loo eego wajiga siyaasadeed ee u qarsoonaa DF Somalia oo noqdey mid ay lasoo baxdo markii uu galay Xasan Daahir Gacanta Ciidamo loogu diyaariyey Airport Muqdisho, waxana la ogaan doonaa Mowqifka rasmiyan ay u qaadan doonaan Odoyaasha beeshan hadii aanan dowladu jawaab ka bixin.

Puntlandpost.com
Muqdisho.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>