Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Puntland oo si weyn looga dabaal dagay Munaasabada 1 Luulyo.

$
0
0

Garoowe: (pp)-  Xaflad lagu maamuusayo Munaasabada 1 Luulyo ee ku beegan xoriyada Gobolada Koonfureed Somalia iyo Israacii labadii Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ayaa caawa munaasabad balaaran loogu sameeyey Madaxtooyada Puntland ee Garowe.

1Xaflada oo ahayd mid si heer sare ah ay usoo agaasintey Dowlada Puntland ayaa waxaa kasoo qeyb galay  Goloyaasha Dowlada Puntland oo uu ugu horeeyo Ku simaha Madaxweynaha Puntland ahna Madaxweyne ku xigeenka Gen C/samad,Odoyaal, Haween, Ururada Mucaaradka, Saraakiil iyo Marti sharaf kale oo aad u badan oo isugu jira Somali iyo Ajnabi.

Xaflada oo soo socotey  5 saacadood waxaa lasoo gabo gabeeyey 12: 00 daqiiqo saacada geeska afrikada bari markii ay soo gaartey xilligaas oo  la surey calanka Somalia.

Intii ay socotey Munaasabada dabaal daga ayaa bandhig wanaagsan loogu sameeyey dadweynihii iyo Madaxdii kasoo qeyb gashey sida ruwaayado kooxda waaberi Puntland, Khudbado ay soo jeediyeen masuuliyiintii goob jooga u ahayd iyo sugaan leh gabayo , buraan bur.

2Hadii Alle Idmo Puntlandpost waxay dib idiinka soo daabici doonta Sawirada, Khudbadaha iyo Qeybaha kale ee munaasabada lagu soo bandhigey, iyadoona munaasabadan loogu dabaal dagayey sanad guurada 53 aad ee israaca gobolada Somalia kasoo wareegtey ay caawa si wada jir ah uga qabsoomtey qeybo badan oo ka tirsan Gobolada Dalka Somalia.

Puntlandpost.com kala soco sawirada iyo faahfaahinta xafladaha 1 luulyo.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>