Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe: Ururka UDAD oo wajigii labaad fagaaraha kula hadlay Dadweynaha Puntland.

$
0
0

Garowe: (pp)- Urur siyaasadeedka UDAD oo ka mid ah Afarta Urur siyaasadeed ee ka jira Deegaanada Puntland ayaa maanta markii labaad ka bilaabey magaalooyinka Garowe iyo Bosaso Isu soo baxyo dadweynaha ay masuuliyiinta ururkaas kala hadlayaan goobo fagaare ah,

Gudoomiyaha iyo Xubnaha Ururka UDAD

Gudoomiyaha iyo Xubnaha Ururka UDAD

Isu soo bax wajigiisii labaad maanta mar kale ka qabsoomey magaalada Garowe xarunta Dowlada Puntland ayaa ka dhacay barxada magaalada Garowe, waxaana ka khudbadeeyey xubno ka tirsan UDAD,

Axmed Nuur Aadan oo ka mid ah xubnaha Ururka UDAD ayaa ka hadlay ugu horeyntii banaanbixii maanta Garowe urur uu ka sameeyey, isagoona sheegey in UDAD ay tahay mid isbedel doon ah.

Sidoo kale waxaa ka mid ahaa xubnaha goobta ka hadley Gudoomiye ku xigeenka UDAD ee Dagmada Garoowe Jamac Macalin C/qaadir wuxuna tilmaamey in ururku uu yahay mid ka fog qabiilka iyo waxyaabaha la xiriira is kooxeysiga , balse taas bedelkeeda uu yahay mid ay ka go’an tahay shacabka in ay u shaqeyaan.

C/raxman Maxamed Aadan iyo Faduma Maxamed Siciid ayaa labaduba ku hadlayey afka dhalinyarada, waxayna goobta ka sheegeen inay dhalinta ku boorinayaan sidii ay taageero rasmiya u siin lahaayeen Urur Siyaasadeedka UDAD.

Inta uu socday isu soo baxan waxa goobta gabayo iyo burabur ka soo jeediyey Abwan Maxamed Sakariye oo ah isagu xildhibaan u taagan golaha degaanka iyo Sumayo Cumar oo tix buran bur amaan ah fagaaraha la isugu soo baxay kasoo jeedisay.

Ugu danbeyntii Cabdulahi Xaashi oo ka mid ah xubnaha golaha dhexe ee Ururka UDAD ayaa soo xirey isu soo baxa maanta markii labaad Masuuliyiinta UDAD ay kula hadleen taageerayaashooda,

Waa maalintii labaad oo Ururka Udad goobo fagaare ah uu kula hadlo dadweynaha iyo taageerayaasha ururka, iyadoona banaanbaxii saaka ka qabsoomey magaalda garowe mid ka balaaran uu ka dhacay magaalada Bosaso halkaasi oo dadweyne aad u faro badan masuuliyiinta ururkan ugu sareysa ay khudbado taariikhiya uga soo jeediyeen.

Ubax Axmed Maxamed

Puntlandpost.com

Garoowe.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>