Xukuumadda Shirdoon oo Baarlamaanka Soomaaliya u Gudbisey Xeerka Kalluumaysiga kaasoo Badda Soomaaliya kusoo koobaya 12 miles, laguna tirtirayo Xeerkii Badda Soomaaliya ee Law No. 37
Sida ku cad qoraal ay xukuummada Fedaraalka Soomaaliya u gudbisay Baarlamaanka, ayaa badda Soomaaliya kusoo koobaya 12 mayl baddeed oo kaliya halkii ay ka ahayd 200 oo mayl baddeed oo Territorial Waters ah.
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya mudane Cabdi Faraax Shirdoon iyo Wasiirka Khayraadka Dalka Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa gudbiyey qoraal ay ku saxiixan yihiin, loogana gol leeyahay inuu noqdo sharciga kalluumaysiga Soomaaliya, qoraalkaas oo ka kooban 20 bog waxaa lagu hagaajiyey gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, Raysal wasaaruhuna wuxuu ka codsaday inuu Baarlamaanka horgeeyo gudoomiyuhu si deg deg ahna u meel mariyo.
Aan ku hor maro qodobo kamid ah qoraalka loo gudbiyey Baarlamaanka sida ay u qornaayeen, kadib markay golaha wasiiradu ka doodeen ansixiyeena, isla markaasna loo gudbiyey Baarlamaanka si uu’u noqdo sharciga Kalluumaysiga Soomaaliya leedahay, marka laga hadlayo badda iyo Khayraadka badda. Qodobo kamid ahna waxay u qornaayeen sidatan;
Qoddobka 2aad
ERAY-BIXIN
Ujeeddada xeerkan, eray walba wuxuu leeyahay macnaha ku hor qoran:
4- Dhulka Badda: Macnihiisu waa dhulka biyaha badda ee ilaa 12 mayl (12 miles) u jira xeebta Soomaaliya, iyadoo la tixraacayo xeerka Qaramada Midoobay ee Sharciga Baddaha 10kii December 1982
5- Dhulka Badda (Contiguous Zone): Macnihiisu waa soohdinta dhaw ee dhula badda Soomaaliya, waxaa lagu qeexaa zooka contiguous-ka, soohdintaas oo aan ka badan karin 24 (nautical miles) marka laga soo xisaabo xariiqda aas aas ka (baseline) kaas oo laga soo cabirayo dhulka badda.
6- Dhaqaalaha Gaarka ah ee Soohdinta: Waxaa loola jeedaa dhulka ay ku fadhiyaan biyaha garabka ku haya dhulka badda oo ah ilaa 200 (nautical miles) marka laga bilaabo xeebta Soomaaliya, cabirkaasoo laga tixraacayo Qaramada Midoobay ee xeerarka sharciga badda ee 10ka Decembar 1982.
Xeerkan oo ka kooban 34 qodob ayaa waxaan kasoo qaadanay 4 qodob, oo khuseeya xeerkii badda ee la doonayo in lagu tirtiro Law No. 37.
Maxaa ka qaldan Xeerka Kalluumaysiga ee Xukuumada Shirdoon gudbisay?
Sida ku cad qodobka 2-aad ee xeerkan wuxuu si toos ah uga hor imaanayaa ama meesha ka saarayaa xeerkii badda Soomaaliya ee Law# 37, xeerkan cusub wuxuu badda Soomaaliya kusoo koobayaa 12 mayl badeed, dhulka badda Soomaaliya wuxuu u yaqaan 12 mayl oo territorial ah.
Qeexida sharcgan cusub ee la rabo in baarlamaanku meelmariyo dhulka badda (territorial water) wuxuu ku qeexayaa 12 mayl baddeed, taasoo khilaafsan sida uu dhigayo xeerka badda Soomaaliyeed ee Law# 37 oo dhigaya in dhulka badda (territorial water) Soomaaliya yahay 200 oo mayl baddeed (200 nautical miles)
Qodobadan (ku jira sharciga cusub ee kalluumaysiga) si aan loo fahmin waa la maldahay, waxaana laga xadfay erayadii af ingiriisaga ahaa ee ummada Soomaaliyeed xifdiyeen intii ay ku jireen difaaca badda Soomaaliyeed, hadaba aan eegno sida loo maldahay, Exclusive Economic Zone (EEZ) markale dib u fiiri sida loo dhigay qodobka lixaad; Dhaqaalaha Gaarka ah ee Soohdinta (waxaa loola jeedaa aaga ganacsiga EEZ)(Halkii uu ka ahaa 200 mayl-badeed oo ah Territorial Waters).
Qodobka 2aad (Faqradiisa 6aad) wuxuu ka hor imaanayaa sharciga badda ee Soomaaliya oo hada afartan sano jira, Sharciga badda Soomaaliya ee loo yaqaan law# 37 wuxuu dhigayaa in Soomaaliya leedahay 200 oo mayl baddeed oo (territorial water) ah.
Qodobkaasi dhulka badda (territorial water) Soomaliya wuxuu kusoo koobayaa 12 mayl (12 miles)
Xeerkan Cusub ee Kalluumaysiga loo samaynayo intiisa badan waxaa laga soo qaatay, xeerkii Kalluumaysiga ee Law#23 waxna waa laga badalay, waxna waa lagu daray, waxaa lagu daray waxaa ka mid qodobka 2aad (faqradahiisa 4-aad iyo 5-aad) ee aan kor kusoo xusnay.
Hadaba sida aan u fahano sida Dowlada Raysal wasaare Cabdi Farax Shirdoon u burinayo go’aankii ay shaacisay June 6, 2013 ee waafaqsanaa sharciga badda Soomaaliya law# 37 aan akhrino go’aankii dowladu wareegto rasmi ah kusoo saartay: (http://somalitalk.com/2011/
—————————-
Go’aanka Golaha Wasiirada DFS ee ku aadan dhererka xadka badda Soomaaliya
1. Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay ayid-san-tahay go’aankii Baarlamaanka Soomaaliyeed uu gaaray August 1, 2009, ayna xildhibaanadu ku diideen is-fahmakii doodda looga furayey xadaynta biyaha badda Soomaaliyeed.
Is afgaradkaas oo dhacay April 7, 2009 ayana magaalada Nairobi Kenya ku saxiiiseen Wasiirkii Xiriirka Caalamiga ee DFKMG iyo Wasiirka Arrimaha Didabadda ee Kenya. Is afgaradkan ayuu baarlamaanka Soomaaliya ku sifeeyay waxba kama jiraan (Null & Void).
2. Sida ku cad qoraalkii ka soo baxay Qaramada Midoobay March 12, 2010 ee ay ku cadeeyeen in Is-fahamka (MOU) dhex maray DFKMG iyo Kenya uu yahay mid aan la cuskan karin ka dib markii Baarlamaanka Federaalka ku meelgaarka uu diideen is-afgaradkaas, sidaas daraadeedna waa in loo tixgeliyo mid aan lagu hawl geli karin ama la cuskan karin.
3. Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf .
Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
4. Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay cadeyneysaa inaysan ka galaynin wada hadal cusub badda Soomaaliya gaar ahaan dib-u qeexida iyo xadeynta xeebta Soomaaliya.
5. Dhanka kale dawladda Soomaaliya waxay cadeyneysaa inay ka go’antahay xoojinta cilaaqaadka iyo iskaashiga labada dal ee soo jireenka ahaa.
Waxayna dawladdu soo dhawaynayaa wadashaqeynta labda dawladdood ee la xiriira dhanka dib-u dajinta qaxootiga Soomaaliyeed iyo xoojinta amaanka xuduudaha labada dal wadaagaan.
DHAMAAD
Ahmed Adan
Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia.
Daabacaada : Puntlandpost.com