Boqolaal isugu jira Somaali iyo ajaaniib ayaa isu soo baxay wadada halbowlaha u ah magaalada Minneapolis ee Lake Street si ay u xusaan sanaad guuradii 53’aad ee kasoo wareegatay markii ay midoobeen gobolada Waqooyiga iyo Koonfurta Somaaliya ee 1’da Luulilyo 1960’kii.
Dadwaynaha isu soo baxay ayaa muujiyey shucuurtooda wadaniyad iyadoo isla goobtaasi lugusoo bandhigay gabayo, heeso iyo suugaanta noocyaheeda kala duwan.Hadaba, idaacada Somali Public Radio oo si toos uga tabinaysay barnaamijkaasi mowjadaha *90.3* FM Minneapolis iyo waliba *106.7*FM Saint Paul ayaa sidoo kalena goobtaasi shacabweynaha Somaaliyeed uga warbixisay Idaacada iyo waliba himilada fog ee laga leeyahay warbaahintaan.
Daawo Video
Abdulqudus Nur Salah (Donyale) oo kamid ah aa’aasayaashii idaacada Somali Public Radio ayaa goobtaasi ka jeediyey khudbad uu kaga warbixinaayo sababta ay idaacada uu aas’aaseen iyo himilida ay tiigsanayaan.
Idaacada Somali Public Radio ama (Idaacada Bulshada Soomaaliyeed) waxaa la aasaasey bishii May/2010. Waxay xarumo ku leedahay Magaalada Minneapolis iyo qaybo kamid ah degaanada Puntland ee dalka Somaaliya. Idaacadu waa idaacad loogu talagalay bulshada Soomalayeed guud ahaan meel walba ay joogaan dal iyo dibadba. Waxaa SPR aasaasey dhalinyaro ku barbaaray waxna ku bartey dalka Mareykanka.
Puntlandpost.com