Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Galkacyo: Dabley hubeysan oo weerartay Saldhig ku yaala Xaafada Baraxleey ee Magaalada Gaalkacyo.

$
0
0

Baraxleey: (pp)- Weerar lagu qaadey caawa saldhiga Booliska Xaafada Baraxley ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa ka dhashey khasaare isugu jira dhimashada hal ruux iyo dhaawaca labo ka tirsan ciidamada saldhigaas joogey.

Wararka Shabakada Puntlandpost ka helayso xubno ka tirsan Saraakiisha Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in dableyda weerartey saldhiga ay ahaayeen kuwo doonayey inay saldhigaas kala baxaan maxbuus ku xirnaa, islamarkaana kooxda dableyda ee weerarka geysatey ay yihiin kuwo la garanayo.

Taliyaha Saldhigaas G/sare Muxuyadiin Daanyare oo la hadlay Puntlandpost waxa uu sheegey in ay ciidamada Booliska Galmudug iska caabiyeen dableyda soo weerartey , ayna ku fashilmeen kooxdii saldhiga doonayey inay kala baxaan maxbuuska uga xirnaa.

Inta badan Amaanka Xaafada ku taal koonfurta Gaalkacyo ee uu ka taliyo Maamulka Galmudug ayaa ah mid aan la isku haleyn karin, taasi oo ay dad badan u sababeeyaan awooda iyo dhismaha ciidan ee maamulkaas uu leeyahay oo ah kuwo aad u taag daran.

Mana jirto horumar la taaban karo oo ay sameeyeen ilaa hadda Hay,addaha Maamulka Galmudug oo isagu ka taliya xaafad  ka mid ah xaafadaha kale ee magaalada Gaalkacyo, waxaana jira khilaafyo wali ka dhex taagan hogaanka maamulka cida ka noqoneysa Madaxweyne oo ilaa iyo hada ay ku muran yihiin ilaa saddex nin oo midba dhiniciisa uu ka sheegto inuu Madaxweyne ka yahay Galmudug.

Puntlandpost.com
Baraxleey Gaalkacyo.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>