Xasan Takar oo ka mid ah Saraakiisha Kooxda Alshabab oo wareysi siiyey warbaahinta ku hadasha Afka Alshabab ayaa ka hadlay rabshado Galkacyo ka dhacay oo dhex marey ciidamada Amaanka iyo Kooxo dabley hubeysan magaalada Gaalkacyo 3 July 2013.
Takar oo isagu ah saraakiisha Ururka Alshabaab ee kasoo jeeda dhalasho ahaan deegaanada Puntland ayaa sheegey in uu taageersan yahay kacdoonka ay Gaalkacyo ay ka sameeyeen kooxo dhalinyaro ah oo u dhashey deegaanka, isagoona si toos ah u magacaabey Nabadoon Yaasiin C/samad oo uu sheegey inuu Galkacyo ka sameeyey dhaq dhaqaaq uu ku tilmaamey Xasan Takar inuu yahay mid wanaagsan oo mudan in lagu taageero kooxda kasoo horjeeda nidaamka Madaxweynaha iyo Xukuumada Puntland wado bilihii lasoo dhaafey.
Hadalka Shiikh Takar oo intiisa badan ahaa aflagaado ka dhan ah Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed ayaa haddana ay dad badan la yaab ku noqotey markii uu si cad ugu taageeray kooxda mucaaradka ee kasoo horjeeda hirgalinta nidaamka dimuqraadiyeynta ee Puntland, kuwaas oo uu Xasan Takar fariin ugu sheegey inay sii labo jibaaraan rabshadaha ay kaga soo horjeedaan Puntland.
Halkan ka dhageyso Hadalka Shiikh Xasan Takar oo ka mid ah Alshabab.
Marar badan ayaa hadalo kasoo yeerey masuuliyiinta Dowlada Puntland lagu sheegey in kooxda Alshabab dagaal ay kula jirto xasiloonida iyo nabada ka jirta deegaanada Puntland oo ay Alshabab ku hamineyso inay bulshada iyo dowlada ka dhex abuurto isku dhac dabadeedna ay u fududaato cudud ay kooxdaasi ku yeelato Gudaha Puntland.
Xiriirka Alshabab iyo kooxda Mucaaradka ee diidan nidaamka Asxaabta Puntland ayaan la ogeyn inuu noqon karo mid jira iyo in kale, balse waxay dad badan isweydiinayaan jawaabta uu mudan yahay inay ka bixiyaan xubnaha uu sida toos ah hadalkiisa ugu magacaabey Xasan Takar oo isagu ka mid ah hogaamiyaasha Alshabab ee jecel inay kooxdoodu ka taliso deegaanada Puntland.
Sida la xasuusto Shiikh Xasan Takar wuxu ka mid ahaa Madaxdii ururka Alshabab ee ku shirey magaalada Baydhabo islamarkaana kusoo jeediyey shirkooda inay la laayo Culimada Somaliya ugu waaweyn ee kasoo horjeeda fikrada Alshabab ku xalaaleysaneyso dhiiga Ummada.
Shiikh Xasan takar wuxuu ka mid ahaa codadka xubnihii ka qeyb galay shirkaas ee warbaahinta Somalida lagu baahiyey isaga oo si cad uga dalbanaya kooxda Alshabab in lagu dhaqaaqo fikrada lagu leynayo culimada, maalmo uun ka dibna dilkii ugu horeeyey oo ay kooxda alshabab ku fuliso culimada magaalada Bosaso loogu geystey Alle ha u naxariistee Dr Shiikh Axmed Xaaji C/raxmaan oo dilkii culimada iyo dowlada Puntland ku cadeeyeen in dilka shiikha lagu go,aamiyey shirkii Baydhabo saraakiisha alshabab ku yeesheen.
Alle ha u naxariisto Marxuum Shiikh C/qaadir Nuur Faarax oo isaguna ku dhintey gacanta kooxda Alshabab isaga oo masaajid ku tukanaya salaada casar magaalada Garowe ayaa ka mid ahaa culimadii sida weyn kooxda alshabab ugu eedeyn jirey inay soo abaabuleen dilkii loo geystey shiikhii ka horeeyey ee Dr Shiikh Axmed Xaaji Abdiraxmaan, balse nasiib daro isna galab casarkiiya ay kooxdaasi ka takhalustey.
Isku soo wada duub lama oga jawaabta ay ka bixin doonaan hadalka kasoo yeerey Xasan Takar xubnaha uu magacaabey ee ku jira mucaaradka Puntland ee kasoo horjeeda hirgalinta nidaamka Asxaabta badan ee ay Puntland ka wado xukuumada uu hogaaminayo Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed,
Waxaana suurto gal ah sida ay dadka qaarkiis qabaan hadalka xasan takar in uu dhaawac ama hoos u dhac u keeni karo xubnaha uu sheegey magacyadooda oo ay sababi karto aragtidii horey ay uga aaminsanaayeen dadweynaha reer Puntland inay saameyn xoogan ku reebto wareysiga Xasan takar uu kula safanayo.
Puntlandpost.com